Sheekh Dirir Oo Hogaanka Dalka, Cidda Wax Tabanaysa iyo Shacabka U diray Farriin Culus Oo La Xidhiidha Sida Looga Bogsan Karo Xanaftii ay Doorashadu Reebtay

0
473

 

sheekhHargeysa(Geeska)-Sheekh Maxamed Cumar Dirir, ayaa ku baaqay in la xoojiyo ilaalinta nabadgelyada iyo weliba isu soo dhawaynta shacabka walaalaha ah, isagoo sheegay in wakhtigii ololaha doorashadu socday uu ka digay muran doorashada dabadeed iman kara mar haddii aan hawsha doorahada lagu salayn shareecada Islaamka.

 

Sheekh Dirir, oo mawduucan kaga hadlay khudbadii salaadda Jimce ee shalay, oo uu kaga hadlayey cafiska, wuxuu kaga hadlay ahmiyaad uu  Alle agtiisa cafisku ku leeyahay, waxaanu soo qaatay doorashadii deegaanka iyo natiijadeeda, isagoo hoggaanka dalka iyo cid kasta oo wax tabanaysaba ugu baaqay in wax kasta oo jira lagu xalliyo wada hadal  “Bini-aadamku inuu is khilaafaa waa arrin lagama maarmaan ah waayo dabeecada ay u abuuranyihiin iyo dunida ay ku noolyihiin ayaa keenaysa inay kala aragti duwanaadaan. Ambiyadii ayaa is khilaaftay, asxaabtii way is khilaafeen, salafu salaalix way is khilaafi jireen, laakiin midka aan banaanayn ayaa ah inay dadku kala tagaan oo ay kala dhaqaajiyaan, iyagoo ay dan diineed iyo mid duunyo ka dhaxeeyaan oo aan kala tagi Karin, haddii uu cudurkaasi kaas noqday wuxuu ceeb ku yahay dadka musliiminta ah meel kastooy joogaan, wuxuu weliba ceeb ku sii yahay dadka hormuudka umadda u ah dhinac walba, waxa uu islaamku dawadiiisa ka dhigay Al Islaax oo ah in la is waaniyo dadka dhexdooda, in la islaaxiyo qoyska, qabiilada, qaranka oo la islaaxliyo meel kasta oo ay muslimiintu joogaan oo quluubtooda la isu soo dhaweeyo.”

Sheekh Maxamed Cumar Dirir, isagoo hadalkiisa sii wata islamarkaana ka hadlaya sida uu Alle SWT waajibka uga dhigay in la is cafiyo wuxuu yidhi “Alle wuxuu yidhi dad aan kala maarmayn oo walaalo ah ayaad tihiine, xurgufaha dhexdiina xaliya oo islaax ku xaliya.” Sheekhu, wuxuu raaciyay “Inay dadku  door bidaan inay kala durkaan ama kala tagaanba waxa ka khayr badan in la isu bisleeyo arrimaha oo ay xal u heli karaan iyo dariiqo ay ku saxan wixii dhex mara.”

Sheekh Maxamed Cumar Dirir, wuxuu sheegay in islaaxa ay aasaas u yihiin laba arrimood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah cadaalad ka timaada cidda wax xukunta iyo mid ka timaada cidda dhexdhexaadinaysa dhinacyada is haya, waxaanu sidoo kale farriin u diray cidda wax tabanaysa,   “Xadiis Saxeexa oo uu weriyay Abu Daa’uud, wuxuu ku yidhi iska cafiya xuduudda iyo xeer ciqaabeedka, laakiin kol hadduu hortaydaa yimaado anigu sharciga ayuun baan marin doonaa. Islaaxaasi waxa aasaas u ah laba arrimood oo muhiim ah, labadaasi waxa weeyaan cadaalad ka timaada cidda wax xukunta iyo cadaalad ka timaadda cidda dhexdhexaadinaysa dadka is haysta, cadaaladaasi way dedejinaysaa waanay fududaysaa islaaxa, Dadka wax tabanayana Cafis ayuu Alle faray. Markaas inaad waxaagaba doonto waxa ka fiican inaad cafido adigoo kari karaya inaad heshaba.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Ugu dambayn wuxuu Sheekh Dirir khudbadiisa ku soo gunaanaday doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka qabsoontay Somaliland oo u muuqata inay bulshada kala durkisay, waxaanu Sheekh Dirir yidhi   “Waxanu arkaynaa tallaabooyinkii la qaaday. Khudbadihii u horeeyay waynu ka waranay dariiqooyinka wax lagu wado inaan loo eegin shareecada Islaamka iyo Diin, laakiin nabadgelyada uun hala ilaaliyo ayaynu ku soo ururinay. Bilowgii markii doorashooyinku socdeen khudbadii aan halkan ka  jeediyay waxaan idhi dumarkaas iyo carruutaas hawshan u dirateen ee sida jinac duullaaanka  dabada is qabsaday ee iyagoo tooraynaya oo calan walaynaya codeeyeen natiijada ka soo baxaysa kol haddii acyaantii iyo ahlu xali  wal caqdi uu arrinku dhaafay waa laga yaabaa inaan la mahadinine murankuun hala yareeyo;  ayaynu hore u soo nidhi, murankiina waa kaas farobatay.”

Sheekh Dirir ugu dambayn isagoo la hadlaya hoggaanka iyo cidda wax tabanaysa iyo weliba shacabka Somaliland, wuxuu yidhi “Markaas waxaynu ku soo ururin lahayn dadku kala maarmi maayee wixii mashaakila ee yimaada ka masulka ahina dadka haw joojiyo, ka wax tabanayaana wada hadal halagu xaliyo, nabadgelyada iyo walaaltinimadana, qabaa’ilka iyo dadka wada degan qof waliba haka shaqeeyo oo inaga inaga mid ahi, halkaad maanta ka garaaci lahayd ee aad odhan lahayd reerkayagii muxuu helay, halkaynu maraynaa…reer hebel..reer hebal meel ku gaadhsiin maayaan haddaad umadda inta kale ee walaalahaa ah weydo, inta kale haddaad weydo iyaguna way sii kala firdhi, adigoo banaan taagan ayuun baad arki doontaa, halka sare inaad ka hayso ayay ku fiicantahay.”