Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ka Hadlay Wakhtiga Ay Dawladu Bixin Doonto Darajayoyinka Ciidamada Somaliland

0
613

 

Picture6Hargaysa( Geeska )- Wasiirka gaashandhiga Md.Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa si rasmiya daboolka uga qaaday in warshad ay leedahay dawlada Itoobiya ay gacanta ku hayso samaynta darajooyinka ciidanka oo ay Somaliland ka codsatay inay ka caawiso.

Wasiirku waxa uu sheegay in haatan ay ku sugan yahiin dalka Itoobiya laba sarkaal oo sare oo kamid ah gudidii loo saaray darajada ciidamada, isla markaasna ay ku gudo jiraan samaynta darajadii ciidamada, waxaanu sida oo kale wasiirku sheegay in gudidaasu ay dhamaysay kaydinta macluumaadka ciidamada darajada lagu siin lahaa oo ay ku sameeyeen guud ahaanba ciidamada dalka.

Waxa uu sidan ku sheegay wasiir cadami waraysi gaar ah oo u siiyay wargayska Geeska Afrika iyo tilfishanka qaranka, waxaana wasiirka oo ugu horayntii la waydiiyay halka ay ku danbaysay darajadii ciidamadu uu ku bilaabay warbaxintiisa sidan“ Waxaan dadweynaha reer Somaliland si rasmiya aan ugu sheegayaa in hawshaas baryhanba la waday oo gacanta lagu hayay, guddi qaran ayaa loo qabtay oo Hargeysa joogta, Boorama Ilaa Saylac cidii aqoon ciidan iyo mid darajo la bidaayay iyo sidaas si leeg ilaa bariga sanaag dad waayeel ah oo ciidamada u soo shaqeeyay oo waayo aragnimo leh baanu soo ururinay, si wanaagsan oo hagar la’aan ahna hawsha waa ay u wadeen, walina gacanta ayay ku hayaan. Hawsha la samaynaayana warkeeda hawada lagama keenayo’ee ciidamada dhexdooda ayaa laga soo qorayaa oo foomam ayaa la diyaariyay, waa la soo buuxiyay, nin waliba goortuu ciidanka qaranka galay iyo inta uu ka shaynaayay, waxa uu ku galay inuu aqoon cilmiyeed leeyahay,masuuliyad inuu qabtay iyo in kale  iyo inuu tabobar askariyeed ku galay, arimahaas oo dhan ayaa la eegayaa, waana qiimayn lagu sameeyay ciidanka qaranka Somaliland.”

Wasiir Cadami oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Saraakiiisha, ku xigeenada ilaa iyo isbatooruhu qiimayn ayuu leeyahay, waxa qiimayntaas barbar socday laba nin oo ku jiray ayaa ku maqan Addis Ababa oo hada bil maqan warshad baa samaysa darajooyinka markaas halkaas ayay ku taalaa, waxaanan u qornay wasiirka gaashandhiga ee Itoobiya iyo masuuliyiinta kale ee amniga codsi waanay aqbaleen, waftigiina waa ay u tageen oo waxa ay u sheegeen inay diyaar u yahiin.Hawshiina waa aynu codsanay waraaqsiina waa aynu dhiibnay oo tirada aynu doonayno ayaynu sheeganay bilbay qaadanaysaa samaynteedu, 15-kii bishan ka bilaw ilaa 15 bisha danbe ayay qaadanaysaa iyada oo dhan ayaa markaas la soo qaadayaa, labadeena sarkaalna meesha ayay joogayaan oo waxii su’aalo ka soo baxa ayay saxayaan, sidaas ayayna hawshaasu u socotaa marxalad fiicana waa ay maraysaa.”

Ugu danbayntii wasiirka Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanday “ Waxaa kalsooni lagu qabaa in wakhtigii loogu talogalay ay ku dhamaanayso, anigu sida aan hada qiimaynaayana marka ay dhamaato in lagu beego munaasabad waa lagama maarmaan, in lagu beego wakhtigii la aasaasay ciidanka qaranka ayaa dhaci karta waana laga tashanayaa, laakiinse waxa muhiim ah in ay malaawaalkii hadda ka baxday, waxii oo Koombiyuutar  garaysan ayaana la hayaa oo aan ciidanka qaranka oo kaliyaata aan ahayn ee ay  ku jiraan Booliska iyo ciidanka baduba ayaa la hayaa oo la fayl gareeyay. Wakhtiga lays waafajiyo ayaana lagu dhawaaqayaa.”