Noocyo Ka Mid Ah Cuntooyinka Dalkeenna Laga Helo Ee Ka Hortagga U Noqon Kara Cudurka Kansarka

0
678

 

fish_1641350cHargeysa (Geeska)- Marar badan ayaa ay khubarada caafimaadku ku celceliyeen in daraasadaha caafimaadka ee la sameeyey ay xaqiijinayaan in ay jiraan noocyo cuntada ka mid ah oo ay suurtogal tahay in ay hoos u dhigaan khatarta in qofka uu kansar ku dhaco, ama in ay ka hortagba u noqon karaan kansarka, sidaa awgeed waxaa qasab ah in aynu dhagaysanno talooyinka caafimaadka oo aynu intii suurtogal ah ka raacno cuntooyinka ay khubarada caafimaadku k utalinayaan. Barnaamijka Googooska Geeska  waxa uu akhristayaashiisa u soo bandhigaya qaar ka mid ah cuntooyinka dalkeenna (Somaliland) laga heli karo ee ay khubaradu sheegeen in isticmaalkoodu kanskarka ka hortagi karo:

 

1. Kalluunka: Kalluunka oo ka mid ah khayraadka dalkeenna sida sahlan looga heli karo haddana aynaan xoog u isticmaalin ayaa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay ku jiraan macdanno tiro badan oo u fiican shaqada hab-dhiska difaaca ee qofka, waxa uu jidhka siiyaa awood buuxda oo uu iskaga caabbin karo noocyada kansarka. Waxa ay khubaradu ku taliyaan in ugu yaraan toddobaad kasta laba jeer uu qofku isticmaalo kalluun, weliba waxaa fiican in dubo, ama aan saliid lagu shiilin.

2. Cinabka: Cinabku in kasta oo aanu dalkeenna ka bixin haddana si aad ah ayuu u yimaaddaa, waxa uu qani ku yahay Faytamiin C, waxaana ku jira maaddooyin si adag xididdada ugu siiba dhammaan unugyada iyo asbaabaha keeni kara kansarka. Dhanka kalana cinabku waxa uu xoojiyaa xusuusta qofka, waxa aanu ka hortagaa astaamaha gabowga o odhan.  La soco cuntooyin kale iyo cadadka Sabtida

 

GOOS GOOSKA GEESKA AFRIKA