Muuse Biixi Oo Taagerayaasa KULMIYE Ee Burco Kala Qayb Galay Gunaanadka Ololahooda

1
701

 

Picture5Burco(Geeska)-guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay taageerayaasha xisbigaas ee Burco kala qayb galay maalintii u dambaysay ee ololaha KULMIYE, waxaanu hadal u jeediyay taageerayaashaas.

 

Taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Burco oo buux dhaafiyay fagaaraha khayriyadda iyadoo ay weheliyaan murashixiinta KULMIYE ee degmada Burco, wuxuu Mr. Biixi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan uu wax kaga taabtay. " Walaalayaal maanta ololahan aynu ku jiro iyo dhibta idin gaadhay ee dadkoo dhami ku jiraan aynu isla garano ,horta uma ololaynayno musharaxiinta oo kaliya in aynu soo saaro waa doorashadii shanaad ee Somaliland qabato ,caalamka oo ay u horeyso Jimcada quruumaha ka dhaxaysa iyo dawladaha caalamka oo dhan ayaynu ugu gar-naqsanaynaa in aynu nahay dal xor ah oo is maamulay ,oo aan cidina taageerin oo shan doorasho kaligii qabsaday ,taas oo aan ka suurtoobin dawladaha Afrika intooda badan ,markaa ogaada hawsha idin gaadhay walaalayaal  waxa lagu dhisayaa guusha  iyo qaranimada Somaliland oo caalamka ayanu kula garnaqsanaynaa   " Sidaasi waxa yidhi Muuse Biixi. Isagoo Muuse Biixi, ka hadlaya arrimaha Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi

" Nimanka Xamar isku doontay ,ee Kismaayo ka dhisi la’ maamul ,ee Gaalkacayo u kala qaybsantahay ,ayaa waliba laga yaabaa in ay leeyihiin Somaliland ayaanu matalaynaa ,markaa Caalamka waxaanu u sheegaynaa waa gaf aanaan qaadan karin iyo gardaro ,waxaanan idiin sheegayaa Somaliland waa Qaran waanay tashatay .”

Isagoo ka hadlaya xuduudka Somaliland, wuxuu yidhi “Waxaan taa uga gudbayaa Somaliland xuduudkeeda way soo xidhanaysaa xadkii afrika oo dhami ku dhisnayd ee isticmaarkii ka tagay ee Dawladii Ingiriis 26-kii Juun ka tagtay  Somaliland ilaahay mahadii xoogeeda ,cududeeda iyo ciidamadeeda ayaa soo xidhaaya xadkeeda nina looga habran-maayo ,hay'adaha caalamiga ah ee meelahaas la mar-mara Somaliland xad-baaney gaadhin waxaan leeyahay Somaliland way dhantahay ,doorashaduna Badhan iyo Dhahar ayay ka dhacaysaa.”

Muuse Biixi, isagoo ka hadlaya saddexda xisbi Qaran ee soo bixi doona iyo ururada siyaasadeed ee hadhi doona, wuxuu sheegay inaanay jiri doonin cid guuldaraysataa balse uu jiro oo keliyi tartan adagi,  " Waxaan kale oo aan idiin sheegayaa Saddex Xisbi Qaran ayaa soo baxaaya 15-cisho ka bacdi ,kuwa kale-na may dhicin ee waa Somaliland oo qaranimadeedii muujisay ,xisbiga dhaca ee xisbi Qaran u gubi-waayana ceeb maaha ciyaar uun buu ka baxee garoonka wuu joogaaye barito ayuu ku soo noqonayaa markaa tartanka dhexdeena ah yaan lagu fogaanin hadaynu xisbiyo nahay iyo hadaynu musharaxiin nahay oo tartanka dhexdeena hoos loo eegin waayo ? waxaynu nahay dhalinyaro isku xaafad ah oo wada ilmaadeer ah oo Kubad wada ciyaaraysa maalin-ba cid-baa debeda qabanaysa oo nususaace tagaya ka dib-na way soo noqonayaan ,markaa walaalayaal waxaan idiin sheegayaa natiijada yaan loo qaadan wax weyn oo ciddi ku dudo ,Kulmiye-na wixii soo baxaba raali ayuu ka yahay natiijada soo baxdana wuu ogolyahay waliba sacab ayuu u tumayaa dudina-maayo " Sidaasi ayuu hadalkiisa kaga baxay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi. Waxa iyaguna fagaarahaas ka hadlay masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga KULMIYEA ee gobalka Togdheer.

Comments are closed.