Xukuumadda Oo Soo Jeedisay In Mucaaradku Uu Soomaaliya Ka Difaaco Somaliland & Jawaabta Faysal

0
456

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Horumarinta Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Madal Ilyartu isqabatay Shalay isku waydaarsaday hadallo duur-xul siyaasadeed ah.

Wasiirka Biyaha Cali-mareexaan oo hadal ka jeediyey Munaasibad ka dhacday Hargeysa, ayaa Xisbiyada Mucaaradka ah u soo jeediyey inay u jawaabaan Soomaaliya oo uu sheegay inay ka xumaatay dooddii uu Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay Qadiyadda Aqoonsi-raadinta Somaliland, waxaanu yidhi “Shalay waxay ahayd Maalin u wanaagsan Somaliland, Dooddii weynayd ee Baarlamaanka Ingiriiska iyo Safarkii weynaa ee Addis Ababa ee Calankeenu uu meel walba ka ba’banayey, inay inoo wanaagsanayd oo aynu guulo gaadhnayna waxaad ku garanaynaa markiiba qoladii Soomaaliya waa kuwii Qaylada ka tolay, markaa Qoladaana (Soomaaliya) Qolada Mucaaradka ayaa ku badan (halkan aynu joogno) oo iyagaa u jawaabi doona oo iyagaanu u daynaynaa..”

Laakiin, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo hadalkaa daba socda, ayaa yidhi  “Wasiir Cali-mareexaan marka uu leeyahay reer Soomaaliya ha loo jawaabo, Maanta Anigu waxaan reer Soomaaliya ugu jawaabo ma hayo, markaad Cid ka fiican tahay ayaa loo jawaabaa oo loo faanaa, Maanta waxaynu ku faano ma hayno, iyagana Farmaajo ayaa muran geliyey, innagana Muuse ayaa muran inna geliyey, waxaaban u dhawahay inaan xaal ka siiyo 30-kii sano ee aan la dagaalamayey..”

Geeska.net/Hargeisa Office