Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Oo Ka Hadlay Qorshaha Itoobiya Ee Dekedda Berbera Iyo Suurtogalnimada Inay Ka Mid Noqoto Maalsgashiga Saddex Geesoodka Ah

0
546

Addis Ababa(Geeska)-Wasiirka gaadiidka Itoobiya Mr. Axmed Shide, ayaa ka hadlay doonista ay Itoobiya doonayso inay isticmaasho dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba inay qayb ka noqoto maalgashiga saddex geesoodka ah ee Somaliland iyo DP world.

Wargeyska Capital ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya ayaa cadadkiisii 29 May soo baxay wuxuu warbixin ka qoray Dekedda Berbera iyo isticmaalka la filayo ee dawladda Itoobiya, waxaanu sheegay inay Itoobiya il gaar ah ku eegayso inay qayb ka noqoto maalgashiga lagu horumarinayo dekeddda Berbera.

Wasiirka gaadiidka Itoobiya Mr. Axmed Shide, ayaa u sheegay wargeyska Capital in Itoobiya doonayso in la balaadhiyo dekedaha, horumarkana la gaadhsiiyo meel kasta oo ka mid ah gobalka Geeska Afrika. “Dekedda Berbera waxay badiil u noqon doontaa Dal bulshadiisu badan tahay si xawli ahna u koraya, sida Itoobiya oo kale. Arrintan Itoobiya way ku wargelisay saaxiibadeeda gobalka.” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay inaanay Itoobiya Berbera u arkayn oo keliya deked ay isticmaasho balse ay doonayso inay maalgashiga lagu samaynayo qayb ka noqoto “Arrinta Berbera uma tixgelinayno oo keliya inaanu isticmaalno dekedda, laakiin waxa kale oo aanu eegaynaa suurtogalnimada maalgashiga saddex geesoodka ah.” sidaas ayuu yidhi Wasiirka gaadiidka Itoobiya.

Wasiir Shide, oo uu Wargeysku weydiiyay inuu ka hadlo saamiga ay madaxtooyada Somaliland sheegtay in Itoobiya laga siiyay dekedda Berbera ee ah 19%, wuxuu wasiirku yidhi “Waa deg deg in imika faahfaahin la sheegaa. Waxaanu ku jirnaa wada xaajood.”

Itoobiya, ayuu wargeysku sheegay inay hadda dekedda Berbera u isticmaasho soo dejinta caawimooyinka cunto ee deg dega ah.