Burco Oo Lagu Soo Rogay Xaalad Deg Deg Ah Iyo Cafis Loo Fidiyay Maxaabiis

0
621

Burco(Geeska)-Kulan degdeg ah oo ay shalay yeesheen golaha deegaanka ee magaalada Burco ayey kaaga dhawaaqeen in magaalada Burco la geliyey xaalad deg deg ah.

Kulanka ayay ka soo saareen sagaal qodob oo ay ka mid yihiin in gebi ahaan la fasaxay dugsiyadii gaarka loo lahaa, islamarkaana la hakiyey imtixaanaadkii dugsiyada dawliga ah.

Duqa magaalada Burco Maxamed Yuusuf Muraad oo warbaahinta kula hadlay magaalada Burco ayaa sheegay inay dhigeen goobaha laga soo galo magaalada Burco shaqaale caafimaad, kuwaas oo daawaynta lama huraanka ah u fidinaya dadka ka baxaya magaalada ama kuwa soo gelaya.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in xaaladdan degdegga ah ay iska kaashanayaan wasaaradaha caafimaadka, waxbarashada iyo ciidamada kala duwan ee ku sugan gobolka, isaga oo sheegay in la samayn doono dardargelin nadaafadadeed iyo wacyigelin kala duwan.

Amarkan golaha deegaanka ee magaalada Burco ayaa ka dambeeyey markii uu si aad ah u faafay xanuunka shuban-biyoodka, oo toddobaadkii ugu dambeeyey ay u dhinteen in ka badan 20 qof, halka uu xanuunku uu soo ritay illaa 1000 qof oo kale.

Geesta kale Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa cafis u fidiyay 87 maxbuus oo ku xidhnaa xabsiga guud ee magaalada Burco, xanuunkan shubanka dartiid.

Cafiska madaxweyne Siilaanyo ee maxaabiistan ku xidhnayd xabsiga magaalada Burco ayaa loogu talogalay in lagu xakameeyo shubanbiyoodka magaaladaas haatan ku sii fidaaya, kaas oo ay u soo dhaceen tiro aad u badan.