Wasiirka Duulista Oo Golaha Wakilada Horgeeyay Xeer U Fasaxaya Qaadista 10-ka Dollar

0
668

 

duliista33Hargeysa(Geeska)-Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo Gaadiidka circa Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa Golaha Wakiiladda shalay hor-geeyay xeer takaaliifta cashuuraha la xidhiidha oo uu tafaasiil kaga siinayo 10 dollar oo lagu soo kordhiyay cashuurtii laga qaadi jiray dadka ka dhoofaya madaarrada dalka.

Wasiirka oo shalay hor-tagay fadhigii Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu faah-faahiyay adeegyadda lagu qaban doono tobankan dollar oo uu xusay in lagaga shaqaynayo horumarinta ammaanka madaarradda.

Wasiirka oo ugu horayn Golaha uga waramayay arrintaasi waxa uu yidhi “Waxaanu Maanta Golaha keenay oo beryahanba hadal haynteedu ay na soo gaadhaysay lacagta 10-ka dollar ee la yidhaahdo khidmadda nabad-gelyadda (security Charge)-ka. Markaa waxaanu Golaha horkeenay xeer la yidhaahdo xeerka takaaliifta oo ku saabsan ammaanka madaarrada Somaliland oo Golaha Wasiirradu soo ansixiyeen. Xukuumadda Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo Wasaaradan aan anigu masuulka ka ahay waxay ka leedahay siyaasad. Madaarradu waa meesha u horeysa ee dal laga soo galo waa marinka ugu horeeya.

Markaa siyaasadda xukuumadda waxa ka mid ah in isbedel lexaad leh laga sameeyo madaarrada dalka. Arrintaasi oo salka ku haysa inay madaarradeenu noqdaan kuwo soo jiidan kara inay hawadeenu noqoto mid laga ganacsan karo si ay dalkeena u yimaadaan dad badan haddii ay dalxiis tahay iyo haddii ay maal-gashi tahayba. Waxaanay taasi u iman kartaa inaynu madaaradeena gaadhsiino heerka caalamiga ah iyo inaynu dabaqno shuruucda caalamiga ah. Waxaanu dedaal weyn ka wadnaa in madaaradeena lagu sameeyo isbedel weyn oo aan hore loogu samayn labaatankii sanadood ee la soo dhaafay iyo in la adkeeyo nabad-gelyadda madaarrada. Nabad-gelyadda madaarradu waxay ka bilaabmaysaa dhabadda ay diyaaraduhu ka haadaan (Run-way)-ga si ay u yaraadaan shilalkiisa iyo khasaaraha ka iman karaaba. Madaarradeenu may lahayn xayndaab xoolaha iyo dadkuba way iska soo geli karayeen.”

Wasiirka Duulistu waxa uu u mahad celiyay dawladda Ingiriiska oo uu tilmaamay inay ka caawiyeen qalabka nabad gelyadda Madaarrada wadanka wax ka taraya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dawladda Ingiriiska waxaanu weydiisanay qalabka ammaanka madaarrada sida qalabka shandadaha lagu baadho, markii xukuumad ahaan aanu codsigaasi u gudbinay laba arrimood ayay nagu xidheen oo na weydiiyeen inaanu ilaalinayno qalabkan shaqaalihii ku shaqaynayayna tababarno iyo inaanu dabaqno shuruucda caalamiga ah ee ku saabsan madaaradda iyo duulista hawadda. Labadaas arrimooodba waxaanu ku siinay kalsooni.

Markii ay qalabkii noo keeneen waxay noo fidiyeen inay dhalinyaro illaa 150 qof ah oo jaamacadaha dalka laga ururiyay ayay noogu tababareen qalabkii ay keeneen. Tababarkaasi ka dib waxay noo shaqaalaysiiyeen 56-kii qof ee ugu sareeyay imtixaankii oo wiilal iyo gabdhaba iskugu jiray. Waxaana shaqaalahaasi lagu tababaray heerka Ingiriiska ee ku wajahan madaarrada. Waxa dhalinyaradan dhawaan la siin doonaa shahaadooyinkoodii aqooneed.”

Wasiirka oo ka hadlayay asbaabaha dhaliyay inay tobankan dolar ku soo rogaan dadka ka dhoofaya ama ka soo degaya Madaarrada waxa uu yidhi “Maadaama oo aanu dawlad ahaan kafaalo qaadnay dayactirka, iyo ilaalinta qalabkan iyo mushaharooyinka shaqaalaha ku shaqaynayaba. sanadkii 2012-kii badhtankiisii ayaa alaabtii timid, waxa adkaatay in miisaaniyaddii laga kabo culaysyadaasi Mudaneyaal Miisaaniyaddu waa tii aad ansixiseen meel wax looga garoocaana may jirin, dhinaansho ku yimaadda miisaaniyaddana waa laga baqayay. Waxa kale oo naga horyimid dadkan ka shaqaynaya nabad-gelyadda madaarrada oo la doonayay inay mushahar badan qaataan, ayaa la yidhi haddii mushaharka dawladda loo qoro oo qofkiiba la siiyo 100 dollar waxay noqotay arrin beesha caalamku ka muujisay war-war. Arrintaasi waxay keentay in qadiyadan laga dhigo mid madax banana.

Markii annaga iyo khubarrada nala shaqaysaa dib isugu noqonay waxay soo saartay in la abuuro lacago cusub oo adeeg ah oo illaa 16 dollar ah, waxaanu nidhi way ku adag tahay in dadka lacagtaasi la saaro, markaa waxaanu ku tallinay oo aanu lacagtii ku soo ururinay toban Dollar. Lacagtana ma aha wax iska soo dhacay ee waa wax khibrad iyo daraasad dheer ku yimid. 2 dollar oo ka mid ah tobankan dollar waa lacag kayd ah oo loo hayo in lagu soo iibiyo mishiinadda nabad-gelyada wax ka taraya ee la soo iibinayo afar sano ka dib bog xisaabeed gaar ahna waa lagu ridayaa bog xisaabeed gaar ah. 1.5 dollarna waxa loo asteeyay dayactirka agabka , inta kalena waa mushaharkii 56-kaas shaqaalaha ah.”

Wasiirku waxa uu sheegay inay Hay’adda NASHA ay maamulayso lacagtan tobanka dollar ah ilaa inta laga samaynayo Hay’adda duulista hawadda Somaliland. “Waxa xeerkan Golaha loo qeybiyay ku qoran in Hay’adda duulista hawadda Somaliland la abuuri doono Bisha Janaury ee 2014-ka. Waxaanu wakhtigaasi u dooranay laba arrimood in shuruucda uu u baahan tahay Gudidaasi ee Golaha Wakiiladda hor iman doona in wakhti loo helo. Qodobka labaadna waxa weeye Wasaaraddii iyo Hay’adii ayaa isku jira waxa loo baahan yahay in la kala saaro waxaana loogu tallo galay in lagu beego sanad miisaaniyadeedka 2014-ka. Mudaneyaal adeegani waxa uu qarankan u soo kordhiyay sharaf badan iyo sumcad,”ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi.

Golaha Wakiilada, ayaa la filayaa inay maanta bilaabaan gudo-galka dooda ku saabsan 10-ka Dollar iyo xeerka loo soo samaystay, waxaanu xeerkani noqon doonaa mid lagu tijaabiyo kalsoonida shacabka ee golaha wakiilada.