Khudbadii Guddoomiyihii Hore Ee SONYO, Weedhaha Hoggaanka Cusub Iyo Xil Wareejintii Shalay

0
947

 

Picture1Hargaysa( Geeska )- Hogaankii cusub ee dhawaan loo doortay dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa si rasmiya xilkii ugala wareegay hogaankii hore daladaas soo hogaaminayay labadii sanadood ee la soo dhaafay.

 

Hogaankan cusub ee sida rasmiga ah ula wareegay xilka dalada ururada dhalinyarada ee Somaliland ay ku bahoobeen ayaa xilka hayn doono labada sano ee soo socda, waxaana xil wareejintan xaflad diiran loogu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa. Xafladaas oo ay ka soo qaybgaleen madax uu kamid ahaa wasiirka ciyaaraha,gudoomiyaha haay’ada maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqa, siyaasi Boobe,madxa ka socotay misharadah ganacsiga,dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Gudoomiyaha cusub ee dalada dhalinayada ee SONYO Mubaarig Ismaaciil Taani, ayaa gudoomiyahii hore ee daladaas Axmed Cabdi Wacay uu ku wareejiyay dhamaan maamulka iyo hantida daladaas, waxa sida oo kale madashaas uu gudoomiyahii hore uu ku wareejiyay gudoomiyaha cusub Ushana Nabada oo daldu ay isku dhiib dhiibto, ushaas oo gudoomiyahii hore uu sheegay inuu ka gudoomay gudoomiyahii isaga ka horeeyay, waxaanu xusay in ushaas dalada uu gudoon siiyay Cali Sandule oo wakhtigaas ahaa badhasaabka gobalka Sool, gobalkaas oo dalada SONYO ay tagtay isla markii Somaliland la wareegtay maamulka magaaladaas.

Ururka dhalinayarad ah New Circus Somaliland ayaa hogaanka cusub ee dalada dhalinyarada Somaliland hadyad ahaan u gudoon siiyay wiil yar oo kartoon lagu soo xidhay, waxaanay taasi ka dhignay fariin ururkaasu uu hogaankan cusub ugu sheegayo in loo dhiibay xilka dhalinyarada Somaliland.

Ugu horayntii gudoomiyahii hore ee dalada Sonyo Axmed Cabdi Wacays oo halkaas ka hadlay ayaa si kooban u yidhi “ Waxa sharaf ii ah inaad nagala soo qabgashaan  xafladan aadka u bilicda san, ee ay maanta kula kala wareegayaan golahii shanaad iyo golahii lixaad ee labada sano ee soo socda hogaanka dalada iyo hogaanka dhalinyada inoo hagi doona, dhaqanka Sonyo waa sunaha dimuqraadiyada waa astaan u gaar ah oo muddan in laga barto in madal noocan oo kale ah ay xilka kula kala wareegaan gudoomiye laba sano la soo doortay iyo gudoomiye laba sanadood shaqadaas hogaanka dhalinyarada soo hayay, waana astaan mudan in ay kaga daydaan cid kasta oo umadda hogaan u ah, waxa sharaf maanta ii ah inaan xilkii aan dhalinyarada u hayay aan halkan ku wareejin doono, mudadii aan talada hayayna waxa noo qabsoomay arimo badan oo muhiim ah oo saamayn ku yeeshay wacyiga siyaasadeed iyo ka nolaleed ee dhalinyarada Somaliland.”

Gudoomiye Wacay oo hadaliisa sii wataa waxa uu si kooban u sheegay wax yaababii u qabsoomay intii ay xilka hayeen waxaana hadaladiisa kamid ahaa “Kor uqaadida dakhliga dallada iyo shuruucda ay ku shaqaynayso daladu, Waxa noo suurta galay in aanu ku guulaysano dhamaystirka iyo wax kabadelka XEER /20, Waxaanu kor uqaadnay Milgaha iyo Maamuuska SONYO, Waxaanu kaalintayadii ka qaadanay hirgalinta himilooyinka qaranku leeyahay.”

Intaas kadib waxa uu gudoomiye Wacays u mahadnaq u soo jeediyay shaqaalahii,haay’adahii iyo ururdii la shaqaynaayay mudadii uu xilka hayay “ Waxaan jecelahay in aan halkan uga mahadceliyo  shaqaalaha xafiiska oo hadh iyo habeen u taagan rumaynta himilooyinka dallada, Golahaygii sharafta iyo ixtiraamka badnaa, ururadda ku bahoobay dallada ee aan jecelnahay, dad yowgii guulahaas nagu soo barbar galay, hayadihii caalamiga ahaa iyo kuwii maxaliga ahaa ee nagu barbar taagnaa horumarkan gaar ahaan Hayadda UNICEF, PROGRESSIO, DRC, IRI, OXFAM NOVIB, UNDP, INTERPEACE, IOM, CESVI, TERRE SOLIDALI, BBC MEDIA ACTION, VOA, APD, SONSAF, CANDLELIGHT, NAGAAD iyo SORADI. Waxaan iyaduna ka maqnayn saxaafadda madaxa banana iyo ta dawliga ah oo si hufan noola soo shaqaysay muddaas aanu xilka haynay. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqyaa shaqsi nagu dheer, aqoon yahay Yusuf Cali oo ah farsamayaqaankii nagala shaqeeyay samaynta siyaasadaha iyo dastuurka cusub ee Dallada, waxaanan idinku dhiiri galinayaa in aad idinkuna ka faa’iidaysan doontaan.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanday “Ugu danbayn, anigoo ixtiraamaya dastuurka dallada SONYO gaar ahaan qodobka 10 aad oo tilmaamaya wakhtiga uu ku eeg yahay xilkaygu, tixgalinayaa go'aankii shirweynihii 6aad waxaan si kal iyo laab ah ugu wareejiyay Hogaanka dallada dhallinyarada somaliland, guddomiye Mubaarig Ismacil Tani oo laga bilaabo maanta ah guddomiyaha rasmiga ah ee dallada.”

Sida oo kale gudoomiyaha cusub ee la wareegayay hogaanka Sonyo Mubaarak Ismaaciil Taani ayaa dhankiisa yidhi “ Anigoo ku hadlaaya golaha lixaad ee dalada dhalinyarada ee Sonyo waxaanu aad ugu faraxsanahay xil wareejintan milgaha iyo sharafta leh ee sida wanaagsan loo soo qorsheeyay, waanan ka mahad celinaynaa, waxaanu sidoo kale dareen sanahay in maanta kadib aanu qaabilnay ama qaadnay xil iyo waajibaad culus, waxaanan alle ka baryaynaa inuu nagu asturo xilkaas culus, naguna hanuuniyo jidka toosan,na nasiiyona tamar aanu kaga  midho dhalin karno ujeedada daladan dhalinyarada ee Sonyo loo unkay.”

Wasiirka wasaarada ciyaaraha Cali Saciid Raygal iyo gudoomiyaha haay’ada maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqa Axmed Muxumed Madar,ayaa dardaarano iyo hanbalyaba u soo jeediyay dalada Sonyo, waxaanay ku amaaneen sida dimuqraadiya leh ee ay ula kala wareegeen hogaanka dalada.