Wasiir Duur Oo Ka Hadlay Natiijada Uu Kala Kulmay Xalinta Khilaafkii Saylac

0
598

 

duurBorama(Geeska)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraalle (Duur) ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaaladda Saylac waxa uu ku sheegay inaanay xukuumadu weli ku guulaysan xalinta khilaafkii Saylac ka taagnaa, ka dib markii dhinac ka mid ah labada dhinac ee is hayaa diiday soo jeedintiisii.

 

Wasiirka Daakhiliga oo ka hadlayay qorshihii uu degmadda Saylac u tagay waxa uu yidhi “Madaxweynuhu wixii uu beesha Ciise ku soo jiidayay wuu noo soo dhiibay oo taasi waanu sidnay. Ta labaad Annagu wefti ahaan intii aanu halka (Saylac) joognay Nabadda waanu u gogolnay, waanu u geed fadhiisanay, sulux baanu damacnay inaanu dadka walaalaha ah ee labada beelood ee halkan dega aanu doonaynay inaanu nabad dhex dhigno labada beelood ee walaalaha ah ee halkan wada dega oo Xildhibaanadii ka soo baxay ay ka soo jeedaan. cid sadexaad oo wax ka heshay ma jirto.”

“Labadaasi beelood ayaa beeline 7 Xildhibaan ka heshay Golaha deegaanka Saylac, beeline Toban Xildhibaan heshay, Labadii beelood Xildhibaanadoodii waanu isu keenay, waxaana fadhigii koowaad ee aanu qabanay nuxurkiisu ahaa inay iyagu wax Is weydiistaan, walaaloobaan iskuna tanaasulaan Markaa runtii fadhigaasi wax natiijo ahi kama soo bixin. Waayo wax la is weydiistay ayaa qoloba-qoladda kale ku adkayd.”ayuu yidhi Wasiir Duur.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray “Markii ay is fahmi waayeen ayaanu dib ugu noqonay beeshii Xildhibaanadda bursatay, waxaanu codsanay inay tanaasul samayso, Al-xamdulilaah way aqbashay waxaanay labada kursi ee Maayarka iyo Maayar Ku xigeenka mid ayay ku wareejiyeen,”

“Markaa Saaka waxaan Beesha Ciise iskugu soo daray laba wax oo kala ah wixii xukuumaddu xageeda ka qorshaysay oo 100 qof iyo in ka badan shaqo siin lahaa. Waxa kale oo aan ugu daray wixii aan tolka iskugu soo jiidayay oo sulux ku yimid.markaa Guul baan rajaynayay. Runtii Guushii umay dhicin beeshii Ciise oo kumay qancin waanay ku gacan saydheen,”ayuu yidhi Wasiir Duur.
Wasiirka Daakhiligu waxa uu ku dooday in aanay Nabad-gelyaddu gor-gortan lahayn, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Nabaddu gor-gortan ma leh, Nabaddu cidna waydiisan mayso xukuumaddu cidna u daba fadhiisan mayso.,wixii wanaag ku jiro ummadda waanu iskugu soo jiidaynaa laakiin nabadda cidna ka beryi mayno.”