Wasiirka Dib U Dejinta Oo Ka Hadlay Qorshayaasha Uu Ugu Tallo Galay Umadda

0
667

db

Hargeysa( Geeska) Wasiirka dib u dejinta Somaliland Cabdirisaaq Cali Cismaan oo shalay la dhaariyey ayaa markii ugu horaysay wargeyska Geeska Afrika uu waraysi kala yeeshay xaalada guud ee wasaarada iyo qorshayaasha uga meel yaala dad ku soo galeetiga ah ee ku soo badanaaya dalka.

Waraysiga uu la yeeshay wargayska Geeska Afrika ayaa u dhacay sidan:-

Ugu horayn Md.wasiir waxa aad faah faahin naga siisaa wasaaradan dib udajinta iyo hawlaheedu halka ay maryaan?

Wasaaradani waxa ay ahaan jirtay wasaarad aad u balaadhan wakhtiyadii hore indhawaayd waxa ay ahayd wasaarad lagu daray wasaarada arimaha guda, markaa indhawayd shaqadeedu waa ay fadhiday, markii anaga uu madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland noo magacaabay ayaa waxa ay noqotay in aanu hawlaheedii soo uruuurino, qoshayaasheedii, hay’adaheedii ileen wasarada wasaaradaa kala qaatay oo waxa ay ahayd meel la bililiqaystaye oo ay hay’ado kala qaateene. Markaa guud ahaan imika waanu soo dhawaynay insha allaahu bisha danbana si fiican ayay nooqu dhaqaaqaysaa.

Wasiir waxa jira dad badan oo soo galootiya, dalkana culays ku haya, isla markaana aad arkayso inay bulshada Somaliland aad  uga cabanayaan, arintaas wasaaradan ayay dabcan qusaysaa, maxaa idiinka qorshaysan?

Way jiraan dad badan oo ka soo galay xuduuda Somaliland oo qaxoontiya oo meelo kala duwan ka yimid sida koonfur Somaliya oo kale, waanay jiraan oo magaalooyin kasta waa ay buuxaan,waxa aanu wadnaa qorshe ah inaanu soo tiro koobno magaalo walba inta joogta oo la soo diiwaangaliyo, dabadeena aanu hay’adaha u bandhigno ileen waan ognahay awooda dawladeena’ee. Waxii loo qabanayo dadkaa oo u baahan in meelo la dajiyo oo aanu anagu dawlad ahaan ku deeqno hay’adahuna ay u qabtan waxii kale ee ay u baahan yihiin.

Wasiir dadka reer Somaliland inta badan waxa ay ka qabaan dadkaa soo galootiga ah gaar ahaan Oramda fikrad odhanaysa waxaad moodaa inay dalkaba inagu qabsanyaan marka sida ay u soo qulqu’layaan la eego. Waxaana jirtay mar xukumaadii hore ay sidaas oo kale dad wadanka uga daad guraysay markaa ka xukumaad ahaan ma idiin qoshaysantahay inaad mar uun wadanka dadkaas ka saartan?

 

Wax qorshe ah oo raritaana oo xukumaadani ay la damcsantahay dadkaas soo galoo tiga ah ma jirto. Waayo dadkan ilaa waligoodba wadanka waa ay joogeen, ilaa intaan garaad sadayna Somaliland waa ay buuxeen waanay ku tafiirmeen, inagana culaysku intaaba wa uu ina haystay, maalinta ay teeda gaadho ayuun bay noqon.

Waxa jira hawlgalo ay xukumaadu ku damcsantahay inay dadka kaga rarto dhulkii dawladu lahayd, arintaas waxa ay u muuqataa barakicin dadkana waxa la dajinayaa meelo aan lahayn adeego aas-aasiya, markaas ka wasaarad ahaan maxaa idiinka qorshaysan arintaas?

Runtii arintaas waa ay jirtaa waanay na qusaysaa, dadkana markoodii horeba waxa ay isaga badnaayeen qoxoonti dhulka dawlada uun dagay, markaa dhulkii ay daganaayeen dhul baa loogu badalay ee layskama daadin, kolay maan soo arag oo safar ayaan ku maqnaa markii la raray. Ilaa barina waxa ii qorshaysan inaan soo maro goobaha la dajiyay. Lakiinse dadkaas waa ay ka guurayaan dhulka ay dawladu leedahay, iyagana meel dheer lama dajinayee dhul kale ayuun baa loogu badalayaa. Anaga waxa noo qorshaysan in qolo waliba  meel la dajiyo adeegyada aas aasigaana ay helaan, kuwan imika la raray runtii wax adeega looma qaban, markaa hay’adaha ayaan doonaynaa inay u fidiyaan adeegyada aas aasiga anaguna aanu wasaarad ahaan ku dabo galno.

Waxaan filayaa inaad ogtahay guuxa bulshada ee ku wajahan dadka soo galootiga ah markaas ugu danbayntii maxaad shacabka Somaliland ugu baaqi lahayd marka laga hadlaayo arimaha dadka soo galootiga ah?

Ugu horayn waxa aan dadkeena farayaa inay dadkaa soo dhaweeyaan, dadkuna waa ay badan yihiine waxa kaloon odhan lahaa waa in il gaara layskaga ilaaliyaa dhibaatadooda. Ugu danabayna waxa aan leeyahay waa in dadkaa si ay ku jirto bila aadan nimo loo soo dhaweeyo.