Al-Shabaab Oo Ka Baxday Muqdisho Jawaabaha Laga Bixiyay Iyo Ku Digashada Sheekh Shariif

0
798

sharif

Muqdisho(Geeska)-Kooxda  Al Shabaab ayaa iskaga baxay magaalada Muqdisho kadib dagaalo culus oo habeen hore la  galeen dowladda KMG Soomaaliya.

Saacaddu markii ay ku beegneyd 11-kii Habeenimo ee habeen hore ayaa Ciidamada dowladda KMG, AMISOM, Ahlu Sunna oo dhinac ah iyo  Al Shabaab waxaa uu dagaal ka xoogan kuwii todobaadkii tagay  ka dhacayay Magaalada Muqdisho uu ku dhexmaray qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

Dagaalka ayaa waxaa uu qarxay kadib markii Ciidamo ka tirsan AL Shabaab weerar saf balaadhan ah ay ku qaadeen fadhiisimo Ciidama dowladda ay ku leeyihiin aaga dagaalka ee degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley, degmada Dayniile iyo degmooyinka Woqooyi ee  Magaalada Muqdisho halkaasi oo maalmihii u dambeeyay dhinacyadaasi ay isku horfadhiyeen.

Ciidamada dowladda oo garabsanaya AMISOM iyo Al Shabaab ayaa dagaalka waxa ay isku adeegsadeen rasaas iyo Madaafiic aad u xoogan oo ku dhacaysay goobaha lagu dagaalamay iyo sidoo kale meelo ka baxsan taasi oo dhawaqeeda laga maqlayay qeybo badan oo ka tirsan gobolka Banaadir saaamayna ku yeelatay dadka shacabka ah.

Int la xaqiijiyay 10-ruux ayaa ku geeriyootay inka badan way ku dhaawacmeen dagaalkaasi kuwaasi oo u badnaa dhinacyadii dagaallamay iyo dad rayid ah oo rasaasta iyo Madaafiicda ay ku haleeshay guryahooda.

Intaasi kadib ayaa Al Shabaab oo la sheegay in dagaalka lagaga itaal roonaaday waxa ay isaga baxeen fadhiisimihii inta badan ay kaga sugnaayeen Magaalada Muqdisho sida degmooyinka Kaaraan, Yaaqshid, Huriwaa, Suuqa Bakaaraha, Dayniile iyo qeybo kale oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyagoo la tilmaamay inay u ruqaansadeen dhinaca deegaanada loo barakacay.

Afhayeenka AL Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage (Cali dheere ) oo shalay ka hadlay idaacad afkooda ku hadasha ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay sababaha Ciidamada AL Shabaab uga baxeern fadhisiimihii ay kaga sugnaayeen Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in isabadalka ay sameeyeen Al Shabaab ay tahay sidii dhabarka ay uga jabin lahaayeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Sheekh Cali Max’ud Raage (Cali dheere ) ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii habeen hore ka dhacay ay ka qeyb qaataan Ciidamo isugu jira Faransiis iyo Maraykanka kuwaasi oo uu sheegay inay ka barbar dagaallamayeen Ciidamada dowladda iyo  kuwa AMISOM.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa waxaa uu ku hanajabay in ay dagaallo ku qaadi doonaan meelaha ay Muqdisho kaga sugan yihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda islamarkaana ay la wareegi doonaan fadhiisimaha ay gacanta ku hayaan iyo hubkooda, isagoo intaasi raaciyay in qorshahaasi uu yahay mid laga dareemi doono Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, oo isna shirjaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa ku digtay Al-Shabaab, waxaanu sheegay in ka bixintaankooda Muqdisho uu muujinayo inay jabeen, isagoo sheegay inay guuli u soo hoyatay shacabka Somaliya "Dowladda Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa guusha ay ciidamadeeda oo ka helay gacan AMISOM ay ka gaadheen dagaalladii ay Al-shabaab kula galeen Muqdisho," ayuu yidhi Sheekh Shariif oo sheegay in Al-shabaab ay ka adkaadeen.

Si kastaba ha ahaate sababta keentay inay Al-Shabaab Muqdisho ka baxdo ayaan weli kala cadaan, waxaana la kala ogaan doonaa maalmaha soo socda.