Ambassador Mahiga Oo Safar Ku Yimid Magaalada Hargeysa

0
748

mahiga

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa yimid wefti uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Ambassador Augustine Mahiga.

Danjire Mahiga, oo shalay dalka yimid ayaa la filayaa inuu la kulmo madax ka tirsan dawladda Somaliland, waxaanu warbaahinta u sheegay inuu u socdo inuu qiimeeyo xaaladda bini-aadminimo ee Somaliland laakiin muu bixin faahfaahin dheeraad ah, waxase la ogyahay in dajiruhu aad isugu mashquuliyo dalka Somaliya, balse aanu ahmiyad siinin xaaladaha kala duwan ee ka jira Somaliland.

Waxase la eegayaa  midhaha ka dhasha wada hadalada uu la yeelan doono madaxda Somaliland. Wasiirkii hore ee duulista iyo hawada Cali Maxamed Warancade ayaa hore ugu baaqay in dalka laga mamnuuco Ambassador Mahiga oo uu ku eedeeyay inuu dabin ku ridayo Somaliland.