Wasiirka Daakhiliga Oo Sheegay Inuu Maanta Hirgalayo Amarkii Baabuur Marista Ee Jidka Wadnaha Hargeysa

0
466

Picture3Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Cali Maxamed  Warancadde, ayaa ka hadlay Suldaankii lagu xidhay Gobolka Awdal, waxaanu sheegay in Suldaankaas la xidhay si khalad ah loo xidhay.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xaalada Gobolka Awdal oo uu sheegay inay hadda aad u degan tahay.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde oo qaar ka mid ah Warbaahinta Shalay u waramaya ayaa waxa kale oo uu jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Somaliya.

Wasiirka Arrimaha Guddaha ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Tuugta iyo Dhalinyarada kooxo kooxaha u socota Habeenkii  ee waxyeelada kala duwan soo gaadhsiisay.

Wasiirka Arrimaha Guddaha ayaa sidoo kale sheegay in Maanta laga bilaabo si toos ah loo fulin doono wareegtadii ay dhawaan ka soo saareen Waddada hor marta Madaxtooyada oo uu sheegay in Haadka Cadceed u dhaca oo qudha ay Baabuurtu u socon doonaan, halka Haadka kale aanu wax Baabuur ahi mari doonin, waxaanu tilmaamay ina Caalamado u sameeyeen meelaha ay iskugu yimadaan Waddooyinku, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Haddii ALLE yidhaa Maanta  ayaa la kala bedelayaa, waxa loo socon doona  cadceed u dhaca, waxaana meelaha ay iskaga xidhmayaan  ama ay iska soo galayaan Waddooyinka loo sameeyey Caalamadihii, waxaana arintan Waddada u xilsaarnay Ciidamada Waddooyinka iyo Dawladda hoose,  waxaanan filayaa inay fududaan doonto saxmada badan ee Waddooyinka Magaalada Hargeysa ee Baabuurtu, oo labada Waddo ee waaweyn ee aanu u qorsheynaya ay Baabuurtu kala maraan”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar aanu waxa ka weydiinay Tuugta iyo Dhalinyarada khatarta ku haya Habeenkii Bulshada iyo waxa ay ka yeelayaan ayaa  yidhi “Waa arin aad iyo aad u fool xun oo aanan filaynin in Dhalinyarada qaarkood ay ku kacaan, waxaana imika la diyaariyey in wax laga qabto, oo Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku haya waxaana la gayn doonaa Jeelasha fog fog ee dalka haddii ILLAAHAY SWT yidhaahdo”

Wasiirka Arrimaha Guddaha oo warbaahintu weydiisay xaalada Gobolka Awdal ayaa yidhi “Gobolka Awdal waanu tagnay oo imika Nabad ayuu ku sugan yahay, aniga oo aad iyo aad ugu mahadcelinaya Madaxda, Madax dhaqameedka iyo Dadweynaha Gobolka Awdal, wax dambe oo Gobolka ka dhacaya ma jiri doonto, Somaliland sida ay wax u xalin jirtay ayey u qalin doontaa”

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar uu ka jawaabayey Su’aal ahayd sababta loo xidhay Suldaankii lagu xidhay Gobolka Awdal  ayaa ku jawaabay “Suldaankaas si khaldan ayaa loo turjumay, waxa uu ahaa dadka waan-waanta iyo wanaaga la socda, sida aan maqlay waxa uu doonayey inuu u tago Suldaan Wabar oo uu la hadlo,  Ciidamadu wey ka shakiyeen waana la sii dayn doonaa”.

Wasiirka Arrimaha Guddaha oo ka jawaabaya hadal dhawaan ka soo yeedhay Somaliya ayaa yidhi “Somaliya runtii wey riyoonaysa,waxayna ka dhigan tahay sidii Habartii xaabada qaadi kari weyday ee tidhi ta kalena I soo saara,dalkani waa dal madax banaan, bari hore ayeynu kala hagaagnay Somaliya,Siyaad Barre oo jooga ayeynu Somaliya kala hagaagnay,  mise waa Odayaasha masaakinta ah, waxa aan leeyahay arintaasi waxba kama jiraan ee dheg yaan loo dhigin”