Guurtida Oo Beenisay Inay Soo Gaadhay Warqad Muddo Kordhinta Madaxweynaha Ahi

0
561

Picture4Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali ayaa beeniyay in Golaha Guurtidu ay Xukuumadda ka heshay Warqad la doonayo in muddo kordhin loogu sameeyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo).

Warkan muddo kordhinta la xidhiidha oo ay warbaahinta qaar sheegtay in Guddida Komishanka Doorashooyinku ay Xukuumadda ku wargelisay in wakhtigii loo cayimay inay Doorasho ku qabsoonto aanay ku qaban Karin, ayaa waxa uu Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Guurtidu uu tilmaamay in haba yaraate warkani aanu waxba ka jirin, “Runtii waxaan warbaahinta ku arkayey warkaas sheegaya in Guddida Doorashooyinku uu war geliyey Xukuumada, Xukuumadan ay warqad noo soo gudbisay laakiin waxaan idiin cadaynayaa ilaa iyo hada inaanay jiirin wax warqad ah oo na soo gaadhay kuna saabsan arintaasi.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Anaga marka ay warqadu noo timaado, Goluhu wuu qiimeeyaa, talooyinka ay soo raaciyaan Guddida Doorashooyinku, xaalada markaas taagan, qiimayntaas uu goluhu qiimeeyo  ayuu ku saleeyaa kordhinta mudada uu markaas bixinayo, kama hor dhici karo inay jiraan xaalado keeni kara muddo kordhin.”