Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Khudbad U Jeediyay Ardayda Jaamacadda ADMAS

0
753

Picture2Hargeysa(Geeska):-Pro:Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahaniinta ree Somaliland, ayaa khudbad qiimo badan oo ku saabsan arrimaha isku xidhka caalamka casriga ah u jeediyey adayda jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa.

Waxaana xaflad balaadhan oo loo sameeyey ka soo qeyb galay maamulka jaamacada Admas,Ardeyda iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Ugu horeyna waxaa halkaasi ka hadlay Md:Xusseen oo ku hadlaayey afka maamulka jaamacada Admas, waxaana uu sheegay in ay ka maamul ahaan ay si xooga jaamacada ugu soo dhaweynayaan in Pro:Axmed Ismaaciil Samatar oo  khudbad qiimo badan u jeediyo ardayda jaamacada Admas, waxaana uu tilmaamay in ay tahay makii saddexaad ee ay ka maamul ahaan ay ku soo marti qaadaan in uu muxaadiro noocan oo kale ah uu u jeediyo ardayda jaamacada.

 “Aniga oo ku hadlaya magaca guud ee jaamacadda Admas University, aad ayaanu ugu faraxsanahay in aanu halkan ku soo dhaweyno Axmed Ismaaciil Samatar, si uu khudbad qiimo badan uu ardayda jaamacada ugu soo jeediyo, runtiina maaha markii ugu horeysay ee Pro:Axmed Ismaaciil Samatar uu khudbad noocan oo kale ah halkan ka jeediyo, runtii waa markii saddexaad ee aanu ku soo marti qaadno, aad iyo aadna waanu ugu faraxsanahay”Ayuu yidhi Md:Xusseen.

Intaa ka dib Pro:Axmed Ismaaciil Samatar oo guda galay khudbadiisa uu u jeedinaayey ardayda, ayaa waxaa uu ugu horeyn uu sharaxaad ka bixiyey erayga Globalization, waxaana uu ku tilmaamay in uu yahay in ay bulshooyinka aduunku ay si fudud isula jaan qaadaan.isla mar ahaantaana ay cid waliba ogtahay waxa ay cid kale qabanayso iyo sida oo kale waxa ay ka hadleyso.

 “Haddaad maanta miyigaa gobalada Somaliland socdaal ugu baxdo, waxaad arkaysaa dadkii reer-miyigeena ahaa oo xidhan dharkii ugu dameeyey ee ay soo saareen warshadaha caalamka ugu fogi, taana waxaa keenay Golobalization-ka dunidu maanta marayso, arrinta Globalization-ka caalamka waxaa saldhig u ah 4 qodob oo kala ah deegaanka,dhaqanka,siyaasadda iyo dhaqaalaha, qodobka 3-aad waa siyaasadda balse maaha tollaayeey yaa reer hebalaay iyo tii dameeraha oo kale ee waa inay ahaataa horumarinta danaha guud ee ay bulshadu leedahay” ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Pro:Axmed Ismaaciil Samatar oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi: “Koonfurta Suudaan oo la lahaa hadba sida ay u dhaqaado iyo arragtida ay caalamku ka qaataan gooni isku taageeda ayey Somaliland arrinteedu ku xidhantahay, maanta waad arkaysaan waxaa ka dhacaya oo kuwii shalay aqoonsiga siiyey ayaa leh waar waa maxay waxani side baynu ula dhaqanaa waxani dawlad maahee”.

Dhinaca kale ardayda ka soo xaadirtay munaasibadan khudbada uu ka jeedinaayey Axmed Ismaaciil Samatar, oo iyaguna dhankooda halkaasi su’aalo badan wax kaga weydiiyey arrimo badan oo la xidhiidha khudbadiisan ayaa waxaa ka mid ahayd su’aalihii halkaasi lagu weydiiyey faa’idada ku jirta in Mareykanku uu sanad walba dad aan u dhalan wadankiisa uu si bakhtiyaa nasiib ah ugu qaado dalkiisa.

 “Dadka ugu weyn ee uu Mareykanku ka leeyahay  arrintaasi waxaa ka mida ah inay gaboobeen dadkii waaweynaa ee dalka Mareykanku, markaa loo baahan yahay in dad yar yar oo shaqeynaya lagu beero dalka si ay u shaqeeyaan”Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.