Wasiirka Daakhiliga Oo London Ka Sheegay In La Xakameeyay Shuban Biyoodkii Buuhoodle

0
640

London(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa daboolka ka qaaday inay ku guulaysteen xakamaynta shuban biyoodkii ka dilaacay Buuhoodle iyo magaalooyinka ay ka midka ahaayeen Boorama.

Wasiirku waxa uu arimahan kaga hadlay isaga oo qurba joogta Somaliland ee dalka Ingiriiska kala hadlaayay xaalada abaaraha iyo shubanka ee dalka isugu darsamay, wasiirka oo arimahan ka hadlaayay waxa uu yidhi "Xanuunbaa dalka ku soo kordhay intii danbe kaas oo aanu nidhi waa shuban biyood deegaano badan ayuu gaadhay  xuduudka oo dhan ayuu ku taxan yahay Buuhoodle ka soo qaad ilaa Boorama, meesha uu ugu halista badanaa waxay ahayd gudaha Buuhoodle, waxa ku dhintay Buuhoodle ilaa dhawr iyo sodan qof, si aad iyo aad u heersaraysa oo caalamku ay u bogeen oo Somaliland magac u soo hoyisay ayay dawladu wax uga qabtay, dadka inagu xiga ee jaarkeena ah ee Itoobiya aad ayay dadku u dhinteen waliba deegaanada Soomaalida iyo Oromada sababtuna waa gurmadka loo fidiyay ayaa aad uga hooseeyay sida aynu inagu keena wax uga qabanay, Buuhoodle oo kale waxa ay dhawr iyo sodonku dhinteen labada maalmood ee aan la soo gaadhin, marka dhakhaatiirtii iyo daawadii ay gaadheen markiiba waa uu istaagay, dhawr deegaan ayay dad badan u soo dhaceen sida Boorama oo kale oo boqol iyo dheeraad ay cisbitaalka mar wada galeen, meel kasta  markii la gaadhay waa uu istaagay, lacag xoog leh ayayna dawladu galisay."

Sida oo kale waxa uu wasiirku ka warbixiyay sida xukuumada iyo guud ahaan shacabiga Somaliland ay uga hawlgaleen abaartii xooganayd ee dalka ku dhifatay.