Xildhibaan Rayte Oo La Filayo Inuu Ka Baxo Xisbiga Waddani, Kuna Biiro Xisbiga Talada Haya Ee KULMIYE

0
617

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah iskaga casilo xubinimadii guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee xisbigaas Waddani.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo uu weli xildhibaanku ku cadeeyay jiritaanka warkan, haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijinaya in xildhibaan Rayte uu si rasmi ah ugu dhawaaqi doono go’aanka uu kaga baxay xisbiga Waddani. Sidoo kale waxa la filayaa in xildhibaan Rayte cadeeyo inuu ku biiray xisbiga KULMIYE ee talada dalka haya oo uu hore uga tirsanaan jiray islamarkaana ka soo baxay doorashadii golaha wakiilada ee 2005.

Lama garanayo sababta rasmiga ah ee uu xildhibaanku uga baxayo xisbiga Waddani oo uu aasaasayaashiisa ka mid ahaa, waxase la filayaa in xildhibaan Rayte shirjaraa’id saxaafadda ugu soo bandhigo mawqifkiisan cusub.