Wasiirka Cusub Ee Diinta & Awqaafta Oo Imaammada Somaliland U Diray Farriin Khusaysa Khudbadda Jimcaha

0
287

Hargeysa (Geeska) Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw Qaafta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xaaji Aadan, ayaa culimada Masaajidada, gaar ahaan khidaabta u jeediyey inay khudbada Jimcaha kaga hadlaan nimcada iyo Xoriyadda Diinta ee Ilaahay Ina siiyey in ALLE inoo Siyaadiyo kuna Ducaysano in  Amniga ilaahay inoo waariyo. Wasiirka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in shacbiga lagu baraarujiyo nimcada iyo Xoriyadda Diinta ee Ilaahay Ina siiyey in ALLE inoo Siyaadiyo kuna Ducaysano in Amniga ilaahay inoo waariyo.  Waxaanu yidhi : “Waxa aan Cod-sanaya dhamaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo intii kale ee aynu gaadhsiin karo in Khudbadaha Jimcaha soo-socda  ahaato mid aynu Ilaahay ugu Shukri naqayno nimcada iyo Xoriyadda Diinta ee Ilaahay Ina siiyey in ALLE inoo Siyaadiyo kuna Ducaysano in Amniga ilaahay inoo waariyo”ayuu yidhi Wasiirka oo khudbad ka jeedinayey munaasibad lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Magaalada Hargeysa. Farriinta wasiirka ayaa daarnayd in aad loogu shugri naqo oo alle lagu mahadiyo amniga, nimcooyinka kale ee uu inna siiyey, isla markaana aad loo badiyo ducada alle lagu waydiisanayo inuu inoo siyaadiyo.