“Dalkani Nabad Ku Heli Maayo In Maalin Walba Rag Xaquuqdooda La Aaso Ragna Qaran-nimada Laga Laaluusho”

0
96


Hargeysa [Geeska]:- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Horseed Md, Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal)  ayaa ka warramay  nuxurka uu xambaarsanaa baaqii ay toddobaadkan  Magaallada Burco ka soo saareen Odayaasha iyo wax garadka Beesha Bariga Burco, kaasi oo goaamadiisa  aad loo wada sugayay halka ay ku biyo shuban doonaan iyo saamaynta ay xaallada haatan Jamhuuriyaddu ku jirto  ku yeelan doonaan. “Sida aynu ognahay dalku beryahan dembe waxaa uu ku jiray mugdi|” sidaas ayuu yidhi Md. Cabdillaahi-Dirawal oo shalay telefishanka Horn Cable xog-warran kooban ku siiyay magaallada Hargeysa, waxana uu intaas ku ladhay “ mugdigaas waxaa lagu jiray tan iyo  sidii uu dagaalkii Laascaanood u bilaabmay, waxaana sabab u  ah oo mugdigaas keenay hoggaan-xumo  iyo mucaarid xumo, cidda ka mas’uul ahna waa la yaqaannaa, laakiin”  ayuu yidhi guddoomiye Dirawal “Waxaan doonayaa inaan maanta ka warramo  ama aan ka hadlo baaq ay soo saareen [odayaasha] beesha bariga Burco, kaasi oo dhinacyo badan taabanayay”. Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Iimaan waxaa uu Baaqaas  ay waxgaradka  Beesha Bariga Burco  ka soo saareen shir doceed dhawrkii maalmood ee u dembeeyey  uga  socday magaallada Burco u kala dhan-balay laba qaybood, waxana uu soo dhaweeyey qoddobo ku jiray  baaqaas halka uu qoddobo kalena calaamatu-su’aal saaray,  “Runtii  qoddobada ku jiray baaqaas dhinac markaad eegto aad baan ugu hambalyaynayaa oo way ka guulaysteen culaysyo badanoo dibada kaga imanayay [shirka] oo Illaahay baa waafajiyay inay difaacaan qaranimada Somaliland, taas oo  in badan la isku dayay in reer laga dhigo arrinta oo qaranimada laga leexiyo, laakiin” ayuu yidhi Cabdillaahi-Dirawal  “Waxaan aad iyo aad Ula yaabay oo ay go’aamadooda ku dareen  oo ugu dambeeya inay taageeraan go’aankii ay hore u soo saareen guddidii iyaga [Habar-jeclpo] ka tirsanaa oo ahaa mid caddaalad darro ah, kaasi oo aanu annagu illaa hadda u aragno  mid caddaaladda ka durugsan. Waxaa weliba layaab sii leh oo waxa ay kula hadlayeen  nimankaa wadanka doonaya inay hoggaankiisa u tartamaanoo madax ka noqdaan, oo weliba guddoomiyaha  WADDANI  waxa uu ku hadlayay aanay ahayn wax uu nin doonaya in uu madax noqdaan  ku hadal, sababtoo ah waxaa  la taraay-gareeyey [la isku dayay] in ay beeshaasi reer ahaan ula heshiiyaan reer Laascaanood oo qaranimada halkaas la iska dhigo, qarankuna waa ka ay wax ka doonayaan ee ay rabaan inay madax ka noqdaan. Sidoo kale waxa aad la yaabaysaa oo ay leeyihiin  markaad annaga leeyihiin [hoggaanka xisbiga WADDANI]  madax  naga dhigtaan ayaanu dadka heshiisiinaynaa  markaas baanu iyagana [dhul-bahante] soo xaraynaynaa. Waxay taasi cadaynaysaa inay dagaalka Laascaanood marka horeba ku jiraan, immikana ay qayb ka yihiin  maqnaanshaha ay [Dhulbahante] ka maqan yihiin Somaliland, taasi waa Cadaan ee maaha wax aanu annagu ka yeedhsiinay ee Illaahay baa ka yeedhsiiyey”.  “Aniga oo aad idiin ixtiraamaya oo Caqligiinii oo dhami isugu yimi shirka  may ahayn inaad taageertaan Arrinka noocaas ah, waayo dalkani ku dhaqmi maayo  nabadna ku heli maayo in maalin walba rag xaquuqdooda la aaso ragna [Qaranimada] laga laaluusho, ninka taas ku fekerayaana waa beentii”. Ayuu ku dooday guddoomiyuhu. Ugu dembeynna mar  uu ka war celinayay su’aal la xidhiidha mawqifka ay urur ahaan iyo siyaasi ahaanba ka  aaminsan yihiin  marxallada lagu jiro iyo sida lagaga bixi karo, iyo weliba  sida ay ku heli karaan wixii  xuquuqdooda siyaasiga ah  ku  heli karaan, waxaa uu sheegay ‘annagu bartiii  aanu shalay  taagnayn ee ahaa in sharciga lagu dhaqmo ayaanu maantana taagannahay,  wax aanu ku qanancno oo xuquuqdayada ku helnana ma aragn. Mid  kale  waxaad mooddaa in Somaliland ay Beeshan Dhexe wareerinayso  oo weliba Islaamuhu ay wareerinayaan, markaa dee waxaa loo baahan yahay ileyn Somaliland Cid gaar ahi ma laha oo dadku idin daawan maayaanne, bal in inteenna  dhexe ay timaado oo ay wax is wediiso, haddii kale maalin walba [beellaha darafyadu]  ina kala celin maayaane, haddii ay qaar  hore iskaga tageen, berrina qaar kale ayaa iska tegi doona haddii aan sidan wax laga bedelin