Haayada Shaqaalaha Oo Dufcadii Afraad Ee Shaqo Qaran Shaacisay Inay Ku Biireen Shaqaalaha Dawlada.

0
122

Hargeysa (Geeska) Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey in dufcadii 4aad ee shaqo qaran si toosa ay loogu daray shaqaalaha dawlada Misaaniyad sanadeedka 2024.Dufcada 4aad ee shaqo-qaran ayaa t tiradoodu dhantahay 483, kuwaas oo lagu asteeyey si rasmi ah shaqaale dawladeed. Shaqaalahan aya ka hawl-gali doona, sida uu sheegay Gudoomiyaha hay’aadu 29 xafiis oo kala ah hay’addaha dawalada iyo wasaaradaha dalka. Ardayda shaqo-qaran ee shalay  la meeleeyey ayaa isugu jiray 170 dumara iyo 313 raggn ah.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha Khaalid Jaamac Qodax ayaa Wasaaradaha iyo Hay’addaha dawladda ee shaqaalaha loo asteeyey in ay soo dhaweyaan si buuxdana u hawl-galiyaan.

Gudoomiye qodax oo arinkaas ka hadlayana ayaa yidhi “ waxaanu u fadhinaa halkan hay’adda shaqaalaha dawladda in aanu shaacino meelaynta dufacadii 4aad ee shaqaalaha shaqo-qaran, aniga oo ka wakiila hay’adda shaqaalaha Dawlada ilana fadhiyaan agaasimihii Hay’adda iyo Gudidii sare ee hay’adda. Waxaanu muddo afar bilood ah ku mashquul sanayn sidii aanu aqoontooda u hubin lahayn, kaas oo uu dhigayo xeerka shaqaalaha dawlada iyo hanaanka shaqaalaysiinta, qof kasta oo somalilandna xaq u leeyahay. Barmaamujka shaqo qaran oo ah mid la mahadiyey, Ahaana in shaqo abuur loo sameeyo dhalin yaradda jaamacadaha ka baxda sanad walba. Waxa noo farxad ah In aanu 483 shaqaale kala meelayn, kuna hawl-galinay 29 xafiisyo hay’addaha iyo wasaaradaha qaranka.

Gudoomiyaha hay’adda ayaa sheegay in hanaanka hubinta shaqaalaha markay ka soo gudbaan carbiska shaqo-qaran ay maraan in la hubiyo, kaadhkooda dhalashada, shahaadooyinkooda iyo bad-qabkooda caafimaad, intaas ka dibna lagu meeleyo aqoontiisa mid walba.

Gudoomiyaha qodax ayaa sheegay in qondada shaqaalaysiinta lagu saleeyey lixda gobol ee Somaliland iyo qoondada uu ku lahaa shaqo-qaran.

Gaba-gabadii, Gudoomiyaha Hay’adda ayaa shaqaalaha cusub kula dardaarmay in xafiisyada lagu qoray ay ka waxbadan ka badalaan, waxna ku soo hordhiyaan hanaankiisa shaqo iyo hal-abuur.