“Xukuumadu Waxa Ay U Baahan Tahay In Ay Albaabada U Furto Wada Tashi Hadday U Furi Waydana Dee Waa Laga Tashanayaa”

0
547

Picture6Hargeysa(Geeska)-Akhristayaal, cadadkayagii hore waxaanu idiinku soo gudbinay qaybta koowaad ee waraysi uu Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay siyaasi Siciid Sulub Maxamed, oo wasiir ka soo noqday xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, wakhtigana ah masuul ka tirsan xisbiga Waddani ee mucaaradka ah.

Qaybtaas hore, wuxuu Siciid Sulub kaga hadlay xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee uu dalku marayo, isagoo eeddo kala duwan u soo jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Qaybtan maanta wuxuu kaga hadlayaa aragtidiisa ku waajahan dagaalka ay xukuumadu ku hayso saxaafadda madaxabanaan, isagoo sheegay inaan dalka lagu wadi karin ‘Car juuq dheh.’  Waxaanu qaybta labaad ee waraysigu u dhacay sidan:

Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo intii ay jirtay waxaa ay xidh xidhay saxafiyiin badan, sida oo kalena waxay ruqsadii kala noqotay haayado warbaahineed oo kala duwan. Arrimahaas Saxaafada ka dhanka ahi, maxay ku keeni karaan Somaliland iyo raadinta Ictiraafka.?

Mar waxaan is idhaahdaa Saxaafadan hadda jirta abaalkoodii ayaa la mariyey,haddana marka aad dee si dumuqraadi ah aad u fakerto dalbaynu nahya dee curdina oo aan caalamka kamid ahayn cabudhinta Saxaafada iyo xidh xidhkeedu waxaa uu inagu keenayaa inaan cidi ina aqoon san in aynaan waxba noqonin,in layna yidhaahdo kuwa maanta iyaga oo doonaya in ay caalamkii ka mid noqdaan oo cadaalad iyo wanaag laga filaayey durba halka ay ku bilaabeen ay tahya in ay Saxaafaddii ay cabudhiyaan oo ay yidhaahdaan car Juuqdheh ay arrintoodii noqotay in aan cidina aanay inagu aqoonsan,halkaana waxaa weeye dawladanu waxbadan oo ay markii ay KUMIYE ahaayeen ay ku dacaayadayn jireen Xukuumadii markaa jirtay ayaa waxaa kamid ah Saxaafadaas oo ay tii hore barra dheeraysay,inta la xidhay iyo inta Xafiis la xidhayba ee ruqsad lagala noqdayba anigu siiba Afar Jariiradood oo Jariirad la odhan jiray Qalam oo dadku ma sheegaane iyo Jariirad kale oo jiri jirtay oo labada ruqsadii laygu yidhi waa lagala noqday,qaar imika xidhana waa ay jiraan oo Hubaal iyo Haatuf ahi,Tv-gii Universal iyo sida oo kale dee Hctv oo markii uu soo daayey xil wareejintii Daahir Rayaale dee waa tii la xidhay isna.Markaa haday Tv-tahay iyo haday Jaraa’id ay tahayba iyo websites-ba dee car juuq dheh ku socon mayso,dalkanina ku socon maayo laguna heshiin maayo laguna wada noolaan maayo car juuq dheh.

Inta badan Axsaabta Mucaaradku dhaliilaha ama khaladaadka ay sheegaan in ay Xukuumadu gasho waxaa ay gun dhig uga dhigaan in ay sabab u yihiin Masuuliyiin ka tirsan maamulka Madaxweyne Siilaanyo oo si aan munaasib ahayn ula taliya,arrintaasi adigu sidaad uragtaa?

Waxaan u arkaa Dee madaxweyne horta kaligii talis ahi caalamka ma jiro oo kaligii uun taliya madaxweyne walba dadka uu cugto ee uu u xusho golihiisa Wasiirada ama fulinta iyo la taliyeyaashiisa iyo dadka kale ee akhyaarta ah ee uu la tashado ayaa ama hadaan ka rida ama la taliya,khaladaadka dalka maanta ka jira ayaa ah in madaxweynaha dadka talada siinayaa aanay taladii loo baahnaa aanay siinaynin,waxa weeye dee talo xumada waxaad ka arragtaa Xisbigii iyo Xukuumadii ayaa ishaysta, markaa talo xumo aanan qabin in ay madaxweynaha oo qudha in ay ku siman tahay ee lala qabo ayaa horta meesha ka muuqata dalkuna ku sii socon maayo,waxaanan odhan lahaa marxalada maanta dalku maraayo Xukuumadu waxaa ay u baahan tahay in ay albaabada u furto wada tashi hadday u furi waydana dee waa laga tashanayaa.