Wasiirka Ciyaaraha Oo Sheegay Inuu Samaynayo Xeer Lagu Dhaqo Fanaaniinta

0
681

Hargaysa (Geeska) Wasiirka dhalinyarada ciyaaraha iyo dhaqanka ee Somaliland Cabdi Saciid Faahiye ayaa sheegay inay si fiican ku soo dhamaadeen khilaafyo ragaadiyay ciyaarahii gobalada Togdheer iyo Gabiley, sidoo kale waxa uu wasiirku daboolka ka qaday inay haatan gacanta ku hayaan xeer la doonayo in laga dhaqan galiyo wadanka oo ku saabsan siyaasadii lagu maamuli lahaa fanaaniinta wadanka.

Wasiirka oo wargayska Geeska Afrika uu ku booqday xafiiskiisa  waxa uu xooga saaray dhanka dhaqanka ee wasaaradaas oo uu ku tilmaamay in layska indha tiro, iyo sidoo kale naadiyada heerka koowaad  ee gobalada  in la samayn doono isla markaana lagu meelayn doono xarumo ka taageera dhanka dhaqaalaha iyo agabka. Waraysi kooban oo uu weriye Maxamed Maxamuud Haybe (Taajir) oo ka tirsan Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wasiirka la yeeshay waraysigan:

Ugu horayn waxa aad Md.wasiir  nooga xog warantaa xaalka wasaarada ciyaarahu uu ku sugan yahay iyo wixii kuu qabsoomay intaad maamulkeeda gacanta ku haysay?

Runtii wasaaradan waa wasaarad balaadhan oo hodana oo dalkeena qiimo badan ku joogta, waa wasaarada dhalinyarada,ciyaaraha iyo dhaqanka, haddaan inyar idiin iftiimiyo intaan joogay anigu isku bedel  ayaan ku sameeyay waaxihii ay wasaaradu ka koobanayd dardar cusubna  waan galiyay, qorsha yaal balaadhana waan u sameyay. Qaybta dhaqanka oo marwalba afka laga dhawro haddaan ku horeeyo, waxaan samaynay xeerkii dhaqanka ee ay fanaaniinteenu ay kun shaqayn lahaayeen ee kuwan kale ee soo korayaana ay ku eegan lahaayeen jiil cusubna lagu abuuri lahaa iyo qorshayaal tartan dhaqameed sanadwalba la qabto ayaan barnaamij ahaan u diyaariyay, agaasimihii dhaqanka iyo rag kalena waan u saaray xeerkaan waxaan jecelahay in aan ku guulaysan doono oo ay nidaam noqon doonto. Sida maanta dhacda waxa iska imanaya fanaaniinteenii dibada joogtay sida shawgan dhawaan dhacay oo kale, fanaan baa dibada ka imanaya siduu iskaga soo ordaayo hotel ayuu iska kiraysanayaa wuxuu doonana ayuu iskaga heesayaa, waxa uu doonana wuu odhanayaa, markaa si wasaaradan looga qaato ruqsad oo xeerku u dabro oo qofku waxa uu ka heesayo, waxa uu wado iyo waxa uu ka hadlayo loo helo;  mar labaadkana  dhaqaalaha ay dawladu ku yeelanaysay loo helo ee dhanka cashuurta ah oo aan cashuuri halkaa ku lumin, barnaamij tafatiran oo noocasa oo ilaalinaya qiimaha dalka fawdana aan ahayn oo aan dadku iska yaacayn, inta badan shuruuc ayaanay hore u arage waxa aan ku soo dajinayaa  xeer, inta uu xeerkaasu dhamaanayaana wareegto aan wasaarada ganacsiga ee hotelada xukunta aan ka wada hadli doono si aan loo qaban bandhig faneedyo aanay wasaaradan ku hawlani ogayn, waxanan doonayaa in aan dikreeto ku sii fuliyo inta xeerku dhamaanayo, si ay fanaaniinteenii u noqdaan kuwo mooraalkoodu fiican yahay oo aanu daboolin fanankaas dibada intuu ka yimaado dadkeenuna daba yaacayaan. Runtiina dhibaatada amaanka ilaalintiisu dawlada ayay saarantahay hadana cashuurteedii waa ay lumaysaa waxaxan lagu heeyana wasaaradii u qaabilsanayd wadan inta badan warba kama hayso. Qaybtan ciyaaraa hadaan dhankooda eegno runtii waxa u ah bilaw inay ciyaalkeenii helaan garoomo ay ku cayaaraan, waxba ciyaarina ma tarayso hadanay caruurtii haysan meel ay kuba ciyaaraan markaa waa in aan weelkii la nimaadnaa, markaa guud ahaanba gobaladii dalka intii danbe waxa luntay dantii guud oo aan la hayninba, 12 garoon ayaa laygu wareejiyay oo ilaa hadda waan wareersanahay meel alle iyo meel ay ku yaalaan, dawladii hoose waraaqo badan ayaan u qoray oo waan isku dawakhnay waxanan leeyahay waar bal kaalaya oo natusa, iska daa labdan sanadood oo 10 sano waxii la wareejiyay ayaa la la’yahay. Culayska waxaan saarayaa in la helo garoomadii caruurtu ay ku ciyaari lahaayeen, marl abaadkana agasimayaasha cusub qorshahoodii ayay soo samaynayaan, waxii aan fikir ku biirin karayayna waan ku biirin doonaa waxanan qorshaysanaynaa in aan habayno kooxaha ciyaartoyga ee heerka koowaad ah  in aan habayno gobaladoo dhan, awal waxa la odhan jiray Hargaysa oo qudha ayaa kooxaha heerka koowaad leh, anigu digreeto waxa aan ku soo saaray in gobalada wadanka dhamaantood ay wada leeyihiin naadiyo heerka koowaada, waayo tusaalo ahaan waxan arkay naadi Burco ah ama Ceerigaabo ah oo ka badiyay kii Hargaysa markaas waxaan arkay iyada oo naadiyadii gobaladu ay yihiin kuwo wada awood badan markaa waxay noqotay in aan inamadii dhiiri galiyo oo naadiyada heerka koowaad ah ay kaalin isku mida wadanka ku yeeshaan. Imika tusaale ahaan Hargaysa oo kale waxa jiray toban naadi oo heerka koowaad ah markaa lix ka mid ahi waa ay meelaysnaayeen, saddexna  imikaan meelaynay saddexdii kalana waan qorshaynay, oo dhammaan naadiyada heerka koowaad  ah wa inay yeeshaan meelo ay ku tiirsanaadaan dhaqaale ahaan oo kaafiya.”

Waxaad Md. Wasiir ku tagtay socdaal maalmo qaatay gobalada dalka qaar kamida oo ay kamid ahaayeen gobalka Togdheer iyo Gabiilay oo khillaafyo ay ragaadiyeen ciyaarihii gobaladaas haddaba arimhaas maxaa idiinka qabsoomay?

Gabiilay iyo Togdher labada khilaaf ayaa jiray inkasta oo gobalada kalana ay wacyigalinta dhalinyarada iyo toosintaas uun ahayd iyo fariimaha aan dhallinyarada iyo dadka kalebana aan u sheegayay u xogagaal noqshada gobaladaas. Waxa inta ii dheeraa labada gobalba qaab ayay iskaga mida ahaayeen oo Gabiilay iyadana khilaafku waa uu jiray oo markaan tagay ciyaartu waabay taagnayd oo waxa jiray kooxo badan oo meesha isku dagaashanaa, markaas hawshooda waan kala nidaaminay waxaanan u samaynay guddidi mus danbeeda oo shan xubnood ka kooban. Burco haddaan u soo noqdo horta waa maqaalo madaxdii labaad ee dalka dad badana waa ay ku nool yihiin dad fiican iyo dal fiican ayaan ugu tagay, dadka waxaan isku dhagaystay runtiina dad nasaba ayaan ugu tagay waxaanay nugu soo dhamaatay si sareexad leh, waxii dhex yaalayna maamulkayguna badh buu lahaa ciyaalkuna ka nadiif bay ahaayeen marka laga reebo hal koox oo wax yar tabanaysay kooxdaasna  waan qancinay, kooxihii kale ee walaalahooda ahaa ayaan ku darnay, si dood furan ah  ayaanan dhamaan isugu keenay kooxaha magaalada hool gobalku leeyahay si furan ayaanu ugu wada hadalnay oo aan cabudhini ku jirin, xalkiina waxa uu noqday in ciyaalkii ay mid qudha yihiin oo ay gobal qudha yihiin ayaan isla qaadanay iyo in kooxaha laysku cel celiyo, intaas kadibna wasaaradayda waxii dhibaato jirtay ee dhanka maamulka ahayd gooni ayaan u galnay iyaduna waa ay dhamaatay. Labadaa qodab markii ay dhamaadeen ayaan waxii iiga soo baxay garabyadii aan u sameeyay guddi odayaala oo ka kooban shan xubnood, oo la yidhaahdo guddida horumarinta ciyaaraha gobalka Toghdeer, waxaana ka caawin doonaan isku duwahayga gobalkaas kolba waxii ay hadba u baahan yihiin oo dhan, sida dhaqaale haday u baahdaan, garoonka marka lagu ciyaarayo qaabka loogu ciyaarayo iyo waxa yimaada dad gobalada ka taga wada ciyaarsiintooda inay odayaashii kaalin ku yeeshaan oo isu duwahii la socodsiiyo, waayo waxbadan ayaa ku xidhan sida nabadgalyadii iyo dhaqaale kaleba bulshadiina waa dad mida oo walaalo ah lamana kala laha in taladii la wadaago na weeyaan.