Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Xildhibaan Tannock Charles Oo Ka Tirsan Baarlamanka Yururb

0
635

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay qaabilay xildhibaan Charles Tannock oo ah afhayeenka dibadda ee Barlamaanka Midowga Yurub, kaas oo shalay gelinkii hore safar ku yimid Hargeysa.

Xildhibaankan ayaa caan ku ah u doodista qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland, waxaanu toddobaadkan kulan uu la yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu ugu baaqay inuu hormuud u noqdo aqoonsiga Somaliland. Warsaxaafadeed uu kulanka Madaxweynaha iyo xildhibaanka xalay ka soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir, ayaa sidan u qornaa, “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Caawa [xalay] qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Xildhibaan Charles Tannock MEP oo ah Afhayeenka Arrimaha dibeda ee Baarlamaanka Yurub, mudanahan oo ka mid ah xildhibaanada yurub ee u Ololeeya qadiyadda Jamhuuriyada Somaliland. 

Mudane Charles Tannock MEP waxa uu madaxweynaha uga waramay ujeedada socdaalkiisa oo uu sheegay in ay tahay mid ku xidhidhsan dedaalka uu u xaydan yahay ee ah sidii ay beesha caalamku ugu qanci lahayd jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay gacan uga siin lahayd dedaalka ay la timid iyo waxa ay qabsatay.

 

Mudane Charles Tannock MEP waxa uu xog-waran mugleh ka dib madaxweynaha usheegay inuu dedaalkiisa halkaa ka sii wadayo ilaa inta uu ka midho dhalinayo aqoonsiga Somaliland.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa mudanaha uga mahad celiyey dedaalkiisa niyadsamida leh ee uu ku taageeray qadiyada Somaliland, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahad celiyey bookhashada uu mudanuhu ku yimid dalka. 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu mudanaha xog-waran faah-faahsan ka siiyey qadiyada Somaliland, baahida ay u qabto aqoonsiga caalamka iyo waxa ay qabsatay ee dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo Guud ahaan hanaanka dawladnimo ee dimu-quraadiga ah ee ka hana qaaday Jamhuuriyada Somaliland.

 

Kulankan uu madaxweynuhu ku qaabilay mudane Charles Tannock MEP waxa ku wehelinaayey oo goob-joog ka ahaa, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Madaxtooyada JSL, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta, Dr. Sacad Cali Shire.”