Wasiirka Ciyaaraha Oo Furay Tababar Hay’ada Mercy Corps U Qabatay 30 Dhalinyaro Ah

0
1923

 

kkkHargeysa(Geeska)-Hay’adda caalamiga ah ee Mercy Corps ayaa Axadii ka furtay Hotel-ka Emperial ee magaalada Hargeysa, tababar socon  doona mudo shan casha ah kuna saabsan kobicinta garaadka dhalinyarada iyo hal-abuurka ganacsiga, waxaa goob furitaankiisii kasoo qaybgalay masuuliyiinta Wasaaradda Dhailnyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiisak JSL oo uu ugu horeeyo Wasiirka wasaaradaasi. Tabarkan oo qayb ka ah mashruuca horumainta dhilinyarada oo lagu magaabo KALKAAL (Kaalmeeyaha dhalinta) waxa maalgelisa USAID.

 

Tabarakan oo si wayn loosoo abaabulay waxa ka qayb galay 30 dhalinyar ah oo ka socday degmooyinka caasimadda Hargeisa. Waxaana si toos ah u furay Wasiirka wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska JSL, Md. Cali Siciid Raygal. Wasiirku waxa uu uga mahad naqay Hay’ada Mercy Corps iyo USAID taageerada joogtada ah ee ay la garab-taagan yihiin dhalinyarada Soomaaliland. Sidoo kale wasiirku waxa uu dhinyarda ku boorinyay  inay hal-abuur yeeshaan oo ay la tartamaan dhigooda aduunka horumaray, isagoo dhinaca kalena ka-qayb-galayaashaa u rajeeyey inay aqoon muhiim ah ka korodhsan doonaan mudadda uu tababarkani socdo.

Sidoo kale, waxaa furitaankii tababarkan ka hadlayn Jaamac Ismail Nuur oo ka tirasan masuuliyiinta Hay’ada Mercy Corps ee mashruuca horumarinta dhalinyarada oo faah-faahiyey ujeedada tababarkan waxana hadaladiisii ka mid ahaa “tababarkani waxa uu ka mid yahay mashruuca horumarinta dhilinyaradda ee ay maal geliso USAID, ayna fuliso hay’adayadan Mercy Corps anagoo kaashanayna wasaaradda DHC&D. Wuxuuna daba socdaa mid ka horeeyey oo xirafadaha nolosha (life skills) lagu tababaray 60 dhalinyaro ah, 30-kiinan ayaana nasiib u helay inay wejiga labaad ee tababarka ka qayb galaan iyadoo xooga la saari doono hal-abuurnimada ganacsiga (Entreprenuership) iyo kobcicinta waaya aragnimada ka qayb-galayaasha”. Waxa uu sidoo kale u mahadnaqay wasaarada Dhlinyarada oo uu ugu horeeyo wasiirka iyo Agaasimaha guud oo gacan joogta ah ka geysta fulinta tababrada noocan ah.

Waxa iyana madashan  goob-joog ka ahaa Agaasimaha guud ee WDHC&D Md. Mustafe Mohamed Qodax iyo Agaasimaha Waaxda Dhalinyarada, Sayid Cumar oo muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin tabarka noocan oo kale ah in la siiyo dhalinyarada Soomaaliland.