Maxaa Sababa Madowga Ku Dhaca Indhaha Hoostooda Iyo Bararka, Se Dumarka Intee In Leeg Bay Ilaaliyaan Indhaha Hoostooda!?: By Amina Abdilahi Mohamed

2
1429

 

Marka hore waxaan salaamayaa bahda saxaafada iyo  halwadeenadeeda kala jooga calamka daafihiisa oo dhan, waxan kaloon salaamayaa akhristayaasha shabakadan iyo hablaha sida tooska ah ola socda maqaaladayda wiiglaha ah eek u saabsan daryeelka jidhka iyo quruxda dumarka.

Barmaamijkayga manta waxan idinku hayaa oo aan soo qatay madoowga ku dhaca indhaha hoostooda iyo bararka, runtiina dhantaala quruxda wajiga dumark. Waxaan marka hore indin yar dareensiinaya waxyaabah keena oo dhan dhibtan soo gaadha indhaha hoostooda.

Madowgan indhaha hoostooda ku dhaca, ayaa dad badani isoo waydiiyeen, waxyaabah lagu gooyn karo.  Sababtaas awgeed,waxan jecelahay inaan ka hadlo waxa keena, iyo sida la isaga gooyn karo. Waxaa jirta marka hore,  Somali ahaan waxaynu cunaa cuntooyinka kuwa ugu cafimad darada badan ee ay ka midka yihiin , bariis, baasto, suugo, besbaas, iyo wixii milix iyo saliidiba ku badan tahay. Cuntooyinkan ayaa ah kuwa ugu badan ee dila jidhka dumarka, gaar ahaan indhaha hoostooda.

Hadaba, madoowgan ayaa ah mid ku yimaada xaalado caafimad daro awgood, oo kale duwan, waxaana sababa jidhka ay ku yaalaan indhuhu oo ah, jidhka ugu khafiifsan jidhka wajiga, runtiina aad u jelicsan oo hadii aan la ilaalin ama aan la daryeelin halis u ah wax yaabo badan oo ku dhaca. Dhiiga bina aadamka ayaa markuu wareega sameeynayo soo dhex mara xidido yar yar, kuwaasoo loo yaqaano (capillaries) oo  sababa dhibtada ugu wayn ee indhaha ku timaada, xididadan  ayaa hadii ay soo gaadho awood daro ay ku mari  kari wayaan dhiigagu, noqda kuwa daciifa runtiina dhiigaasi uu  ku soo duxo,  jidhka gaar ahaan indhaha hoostooda, indhaha hoostooda oo ah halka ugu khafiifsan jidhka, ayaan haba yaraatee  u saamixin inuu dhiiga wareegeesu u  maro si fiican.

Sababahan, ayaa ah kuwo ku yimaada uun xaaladaha caafimad daro iyo jidhkoo  nafaqadoodu is dhinto. Dhiigagan ayaa markay ku soo duxaan jidhka indhaha hoostooda fadhiista, ka bacdin ilaa ay soo gaadhayaan jidhka sare oo ay ka dhigayaan jidh madoow. Dhiiga kacsan ama loo yaqaano dhiig karka ayaa isna keen idhaha hoostoodu bararto, iyo cuntada milixda badan.

Masaliska wajiga (facial muscles) ayaa iyaguna noqda kuwo isku soo uruura, ama bilaa awood noqda , marka qofka xaladiisa cafiimaaad is badasho.

Waxa kaloo iyaguna keena dhibatadan madoowga indhaha hoostooda, maadooyinka jidhka  siiya nafaqada oo  door wayn ka qaata quruxda jidhka markay yaryihiin dumarku loona yaqaano (collagen) oo ka samaysan (amino acid), hadii ay daciifaan oo ay shaqayn kari waayaan dhibatadana ku timada dumarka, waxa fiican inay gabadhu ilaaliso jidhkeeda inta ay yartahay, wallow ay danba u daciifaan maadooyinkani quruxduna guurto marka la gaboobo!??

 Dhibatada kale ee laga qado madoowgan ayaa ah makeup- lagu seexdo, kaasoo indhaha soo gaadhsiiya dhibato kale, runtii jidhka indhahu ay ku yaalan ayaa ah jidh u bahan in si taxdir leh loo ilaaliyo, ama lala socdo jidhku wuxu u bahanyahay ama uu tabayo.

Hadaba, markaa qofka biniaadamka ah ay isbadasho xaladiisa caafimad, kuwaasoo kale ah:

·        Hurdo La,aan

·        Wel wel iyo walbahaaar  (stress)

·        Indhaha oo cun cuna qofka (allergies)

·        Sigaarka badan ee la cabo, wallow dumarku shaqo ku lahayn!?

·        Biyo yaraanta (dehydration)

·        Daalka badan ee ku dhaca cidhbaha qofka, ama kululaada

·        Bunka badan ee la cabo

·        gaboowga (ageing)

·        Oohinta badan

·        Sanboorka

·        Marmarka badan ee indhaha lagu sameeyo

 Hadaba, waxyabahan kor ku qoran oo dhan baa keena indhaha hoostoodu madoowato, iyagoo qarkood ay ku noqoto haaro. Runtii madoowgan ayaa ah mid dhib wayn soo gaadhsiiya jidhka wajiga. Hadaba, hablaha qaar baa u haysta in madoowgan oo kale dawo la marin karo si loogu cadeeyo!? Xaqiiqdiina indhaha hoostoda dawo lama marin karo,  dawo kastana ma cadayn karto, wa arrin u bahan inuu qofku noloshiisa wax ka badalo lana kaashado dhakhaatiirta, way jiraan waxyaabo loogu talo galay oo la marin karaa, marka qofku uu xaaladahan jidhkiisa dilayo badalo. Waxa caawin kara wax loo yaqaano (Eye treatments).

 Madoowgan indhaha hoostooda ku dhaca, ayaa ku kala badan dumarka, runtiina dadka ku nool dhulka cad ceeda kulul way ku bataa madoowgani, oo cadceedaa dhibaato soo gaadhsiisa iyaduna. Hadaba qofkii awooda waxa fiican in uu wax cadceeda ka celiya uu marsado (sun creams).

Hadaba, waxyaabah la iska biin karo, ama la iskaga ilaalin karo madoowgan ku dhaca indhaha hoostoda waxaa ka mida:

·        Vitamin C-

·        Vitamin E-

·        Vitamin k-

·        Vitamin A-

·        Biyo badan oo la cabo

·        Hurdo (8 sacadood ah) oo qofku seexdo

·        Duugis lagu sameeyo indhaha hoostooda

·        Cuntooyinka khudarta ah ee akhtarka ah

·        Canbaha, xabxabka, iwm

·        Khayaarka (cucumber) oo la saaro indhah dushooda

·        Saladh iyo tamandho

·        Kaluun

·        Shahyada loo yaqaan (naturally caffeine free)

 Quruxdan jidhka dumarka ayaa ah mid u baahan had iyo jeer inay ilaaliyaan naftoodu waxay u baahantahay inay cunaan, fitamiino,iwm.  Quruxi maaha wax la isku cadeeyo oo waliba habeenkii lagu seexdo, !…………?

 Fiiro gaar ah: hablaha qofkii haya wax fikrad ah oo aynu kaga hadli karno dhibatada is cadayntu u keentay hablaha somaaliyee, waxan ka codsanayaa inantii fikrad haysaa ha ila soo xidhidho si aan meel oga soo wada jeedsano.

 La soco todobaadka danbe!

 Allaa mahad leh

 Amina Abdilahi Mohamed

Holistic therapist & skin specialist

Comments are closed.