Ururkii DALSAN Oo Cududiisii Ku Wareejiyay Xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye

0
563

 

biixiHargaysa ( Geeska )-Urur siyaasadeedka Dalsan ayaa si rasmiya ugu biiray xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, waxaana xaflad balaadhan isku biiridooda loogu qabtay hotel Maansoor ee magaaalda Hargaysa.

 

Xafladan xisbiga Kulmiye ku hantiyay urur siyaasadeedka Dalsan iyo gudoomiyahiisaba waxa ka soo xaadiray Gudoomiyaha Xisbiga Kulimiye Muuse Biixi Cabdi,Gudoomiyaha Urur siyasadeedka Dalsan Ismaciil Aaden Cismaan, Wasiiro,Xildhibaano iyo masuuliyiin kale iyo marti sharaf tiro badan.

Ugu horayntii Waxa xafladaas ka hadlay wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sheegay in gudoomiyaha ururka DALSAN ee ku soo biirayaa ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee dawladdii Daahir Rayaale ee dagaalka adag la galay xisbiga Kulmiye, waxaanu amaan balaadhan u soo jeediyay Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare), isaga oo si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyay xisbiga Kulmiye.

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkii Dalsan Ismaaciil Aaden Cimaan ayaa  madashaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxaanu sheegay inay Urur ahaan Isla garteen inay  la midoobaan Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye balse aanay jirin cid ku qasabtay ama sifo kale u soo bandhigtay, isagoo sida oo kalena xukuumada ku amaanay wax qabadkeeda mudadii ay xilka dalka u haysay waxaanu yidhi “Waxaan ugu hambalyeynayaa xisbiga talad dalda haye ee Kulmiye waxqabadkoodii oo ay lacagtii bari aan gaadhin ee Somaliland oo dhan ayey ka shaqaysaa oo xukuumaduna way gaadh siisay iyo balankii la qaaday ee furida Ururada siyaasada waxa kale oo aan ku hambayeynayaa lacagtii loo kordhiyey shaqaalaha iyo ciidamada iyo waxbarashii lacag la’aanta laga dhigay oo ah wax qabadkii xukuumada ay qabatay” ayuu yidhi Ismaaciil yare

Sidoo kale waxaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaanu sheegay inay Gacmo furan ku soo dhawaynayaan waxanu yidhi “Aad iyo aad ayaanu u doo dhawaynaynaa Ururka Dalsan iyo madaxdiisa iyo Gudoomiyihiisa, soo dhawayn kal iyo laaba oo aanu aad uga fiirsanay magaca xisbiga Kumiya iyo magaca xukuumadiisaba ku soo dhawaada ayaanu leenahay waanu idiin baahnayn oo waanu idin tabaynay ee gacmo furan ku soo dhawaada baanu idin leenahay”

Dhinaca kale Gudoomiyihii  Ururkii Rays Ee isaguna dhawaan ku biiray Kulimaye kana mida Golaha fulinta ee Xisbiga Kulmiye Xasan gaafaadhi ayaa soo dhaweeyey Gudoomiya Ururka Dalsan Ismaciil Aaden Cismaan iyo Ururkiisa lasoo midoobay Xisbiga kulmiye, waxaanu sheegay inay wadatashi ku yimaadeen xisbiga kulmiye kana fiirsadeed cida ay la midoobi lahaayeen ka hor intii aanay ku biirin. Masuuliyiinta kale ee madshaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Wasiir ka wasaarada Maaliyada C/casiis samaale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid oo dhamaantood soo dhawey kuna Amaanay sida fiican ee uu yeelay Ururka Dalsan.