Faysal Oo Cirro Iyo Muuse Ugu Baaqay Inay Nastaan Oo Saaxada Baneeyaan

0
674

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa labada nin ee kula baratamaya doorashada madaxtooyada Somaliland oo kala ah Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ugu baaqay inay iska nastaan, maadaama oo wakhtigan lagu jiraa yahay wakhti adag oo uu Faysal ahaan isagu dalka ka saari karo.

Faysal oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad soo dhawayn ah oo loo sameeyay xoghayaha guud ee UCID garyaqaan Ismaaciil Cabdi Daahir, wuxuu sheegay in UCID haddii uu talada dalka qabto uu wax weyn ka bedeli doono madaxda labaatankii sannadood ee la soo dhaafay xilalka haysay, taladana u gacan geli doono dhallinyarada dalka ee wax baratay “Raggii ku jiray siyaasdda ilaa 93 ee marna KULMIYE marna UDUB wasiiro u ahaa inaanu baabiino ayaanu doonaynaa, waxaanan soo saaraynaa dhallinyaro  aqoon leh,w axaanan ogaaday waxa Somaliland dib u dhigay inay tahay aqoon la’aan. Aqoontii ayaanan soo celinaynaa oo garyaqaankaas oo miidhan oo aan qayilayn oo cilmigiisa iyo aqontiisaa magansanaya ayaanu keenaynaa.” ayuu yidhi Faysal oo intaas raaciyay in waxyaabaha Somaliland baabiinaya ay qabyaaladu koow ka tahay, waxaanu isagoo la hadlaya Muuse oo KUMIYE u sharaxan iyo Cabdiraxmaan oo Waddani u sharaxan uu yidhi “Anigu dawladda ma taageero ee dawladda Waddani ayaa ku jira oo ka mid ah laakiin anigu qarankaan taageera, dawladana maanta iyadii ayaa iska tabcaana oo wax laga mucaaridaaba ma jirto. Kornaylka [Muuse Biixi] waxaanu leenahay wakhtigii kornaylka maaha ee SNM-ta waad u adkaysatay shaqadaadiiye iska naso. Cabdiraxmaana waxaan leeyahay caga-Baruur ayaad tahayee, Maanta Waa Maalintii Badbaadada Qaranka, Waana Maalintii UCID .”

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu sheegay in haddii uu talada qabto uu isu miisaami doono xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya oo uu hadda sheegay inuu dhinac ka raranyahay.