Wasiirka Caafimaadka Oo Ku Dhawaaqay Talaal Shanle Loo Bixiyay Oo Maanta Bilaabmaya

0
534

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirka caafimaadka Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay olole talaal oo aan hore u jirin oo dalka laga bilaabayo.

Wasiir Xuseen-xoog, wuxuu sheegay in talaalkan la bilaabayo maanta oo ay bishu tahay 24 April, magaciisuna yahay Shanle, waxaana lagu talaalayaa ka hortagista xanuunada kala ah qoor-gooyaha, oof-wareenka, gawracada, xiiq-dheerta iyo joonis cadka, waxaana laga talaalayaa carruurta iyadoo uu talaalku yahay hal mar. Wasiir Xuseen, wuxuu ka waramay halista ay leeyihiin xanuunadan carruurta laga talaalayaa, waxaanu waalidka ku booriyay inay caawiyaan dadka hawshaas ku gudo jira.

Wasiir Xuseen-xoog, wuxuu bulshada ku wargeliyay inaanu talaalkani wax dhibaato caafimaad ah keenayn marka laga reebo xumadda uu talaalku leeyahay oo ay dejin karaan kiniinada xumadda loogu tallo galay.