Madaxweynaha Kenya Oo Magacaabay Xubno Ka Mid Ah Golihiisa Wasiirada

0
551

Picture3Nayrobi(Geeska)-Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku dhawaaqay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiiraddiisa cusub.

Madaxweyne Uhuru ayaa ku dhawaaqay magacyada wasiirada Arrimaha Dibedda, Caafimaadka, Warfaafinta iyo Maaliyadda.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya ayaa markii ugu horreysay loo magacaabay qof haweeney ah, oo asalkeedu Soomaali yahay, Aamina Maxamed.

Aamina ayaa waxa ay ahayd qof hore xoghaye joogta ah uga noqotay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, xilligii Madaxweyne Kibaki, laakiin waxa ay dhawaan ahayd ku xigeenka Agaasimaha Guud ee hey'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca degaanka UNEP.

Aamina waxa ay dhawaan u tartantay inay noqoto Agaasimaha Guud ee Hey'adda ganacsiga Adduunka ee WTO.

Wasiirka Maaliyadda waxaa loo magacaabay Henry Rotich, Wasaaradda Caafimaadka waxaa loo magacaabay James Macharia iyo Wasiirka Warfaafinta oo loo magacaabay James Macharia.