Washington Oo Lagu Qabanayo Shir Lagu Taageerayo Dawlada Somaliya

0
632

London(Geeska)-Wargeyska The Guardian ee London ka soo baxa, ayaa Jimcihii daabacay  warbixin uu ku sheegay in magaalada Washington ee caasimadda USA ka bilaabmaayo shir balaadhan oo si wayn loogu eegaayo gargaarka wadamada Nugul ama Dagaaladu aafeeyeen.

Sida uu qoraayo Mark Tran oo wargeyskaas ka tirsani, maalinta labaad ee shirkaas, oo ah Sabtida, 27 April, waxa dhacaaya shir Soomaaliya gaar ugu saabsan oo ay wada gudoominayaan Bangiga Aduunka iyo Waaxda Caawimadda Debedda ee Ingiriiska, (DFID). Shirkaas Sabtida ee Washignton, iyo midka 7 May, 2013 London ka bilaabmaaya oo ay Somaliland diiday, xidhiidh toos ah baa ka dhexeeya. Shirkaas Sabtida ee Washignton wuxu si mug leh u falanqayn doonaa hab lagu maamuli doono dhaqaalaha Soomaaliya la galinaayo, oo loogu yeedhay Public Financial Management (PFM), oo kadibna, laga ansixin doono shirka London ee May 2013. Sidoo kale, bisha September ee isla sanadkan, waxa magaalada Brussels ee XaruntaMidawga Yurub lagu qaban doonaa shir caalami ah oo lagu hir-galinaayo hab-maamulkaas dhaqaalaha Soomaaliya ee Public Financial Management loo bixiyay ee shirkan Washington iyo midka London ee May lagu gorfaynaayo.

 Sidaas oo ay tahay, waxa haatan booqasho ku jooga magaalada Washington wafti Somaliland ah oo uu Madaxwayne Silanyo hor kacaayo, lamana xaqiijin karo in safarkoodu shirkan la xidhiidho.  Si kastaba, hadii ay shirkaas u tageen waftiga Somaliland wadanka USA, waxay macno-la'aan ka dhigaysaa asbaabtii lagu dhisay diidmada Somaliland ee shirka May ka dhici doona London.