Wasiirka Beeraha Oo Kormeer Ku Tagay Beeraha Qoyta Iyo Beera

0
498

sssdfdfdafasdfsdBurco(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole iyo Masuuliyiin kale ayaa Kormeer indho indhayn ah ku sameeyay Beeraha Deegaamadda Beer iyo Qoyta ee gobolka Togdheer ,halkaasi oo ay ka socdaan mashaariico biyood oo Hay’ado madaxbanaani fulinayaan .

Wasiirka oo labadii Cisho ee u danbeeyay Kormeerkan shaqo ku jiray  gobolka Togdheer ayaa sidoo kale kulamo la qaatay dadweynaha beeralayda ah ee deegaamadan. “ Waxqabadka Wasaaradda beeraha ee halkan Beer ka socdaa maaha mid yar ,waxa ka socda mashaariico balaadhan oo iskugu jira Kanaalo biyood ,dhaaman iyo iskuul lagu barto Cilmiga Beeraha oo ay maalgaliyeen Hay’ado Caalami ahi ,kuwaasi oo ay ku baxeen lacago aad u badani ,waxaana wadanka ka socda isbedel xaga Beeraha ah “ Sidaasi ayuu Wasiirku yidhi . Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole ayaa ugu baaqay Dadweynaha beeraha ee deegaankan Beer iyo Qoyta in ay iskaashadaan oo ay awooda saaraan sidii ay Beeraha Deegaanka kor ugu qaadi-lahaayeen isla markaana waxa uu usoo jeediyay dadka maalgashadayaasha ah iyo ganacsatada in ay dhiirigaliyaan dhul beerashada. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Cismaan Faarax iyo Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay Dadweynaha Beeralayda ah ee gobolka Togdheer in ay ka fogaadaan beeraha ay ka samaynayaan dhulka Xoola daaqeenka ah isla markaana waxay usoo jeediyeen in ay waxna beertaan ,dhul daaqeenkana Xoolaha u ilaaliyaan. Maaha markii u horeysay ee Wasiirka Beeruhu Kormeer shaqo ku yimaado qaar ka mid ah deegaamadda Beeraha gobolka Togdheer ,laakiinse tiroba dhawr jeer ooh ore ayuu yimi.