Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Safar Kedis Ah Ku Tagay Magaalada Wajaale

0
642

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Jimcihii shalay safar kedis ah ku tagay magaalada Wajaale ee xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, si uu u soo indho-indheeyo sida ay dadka reer Somaliland uga gudbayaan xuduudka labada wadan, maadaama si rasmi ah loo furay xuduudkii labada wadan oo ka xidhnaa dhinaca Itoobiya.

Wasiirka, ayaa safarkiisan oo kedis ahaa wuxuu kormeer ku tagay xafiiska waaxda socdaalka ee Somaliland isagoo indho-indheeyay sida ay dadka reer Somalialnd uga gudbayaan xuduudka iyo sida uu u hirgalay go’aanka ay Itoobiya dib ugu furtay xuduudka ay la leedahay Somaliland oo uu xidhitaankiisu cadilay dad badan oo reer Somaliland. Wasiirka, ayaa waxa warbixin siiyay taliyaha waaxda socdaalka Somaliland ee Wajaale Gaashaanle Cabdirashiid Axmed Xasan, waxaanu wasiirka u xaqiijiyay inuu si rasmi ah u hirgalay furitaankii xuduudku oo ay dadka reer Somalialnd ee sharciga sitaa si toos ah ugu gudbayaan xuduudka Itoobiya.

Dadweyne xafiiska ku sugnaa ayaa iyaguna wasiirka uga mahadceliyay safarkiisa indha-indhaynta ah oo ay sheegeen inuu muujinayo inuu xil iska saarayo u shaqaynta shacabkiisa.

Wasiirka ayaa sidoo kale la dardaarmay Guddoomiyaha Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Wajaale Laba Xidigleh Cabdi Cabdilaahi Madar (hoos u jeed), oo uu kulan la yeeshay.

Si kastaba ha ahaate  socdaalka wasiir Biixi oo kedis ahaa, ayaa waxa kale oo uu xafiiska waaxda socdaalku uga waramay arrimaha tahriibka oo muddooyinkan dambe u muuqda inay aafo ku noqdeen Somaliland.