Idaacadda VOA Oo Qabatay Kulan Aqoon-Isweydaarsi Ah Oo Lagaga Hadlay Cudurka Dabaysha

0
780

Picture1Hargeysa(Geeska):-Idaacada laanta Afka Somaliga ee VOA ayaa qabatay kulan dood aqoon isweydaarsi ah oo lagaga doodayey halista uu leeyahay Cudurka Dabeysha(Polio) iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo Cudurkaasi.

Kulankan oo habeen hore ka qabsoomay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xusseen Qowdhan,Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Md: Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Madaxa Idaacada Afka Somaaliga ee VOA Mr: Cabdiraxmaan Yabarow, Guddoomiyaha Ururka dhakhaatiirta Somaliland, madaxa Haayada UNICEF u qaabilsan arrimaha Caafimaadka,qaar kamida dadkii uu xanuunkani haleelay iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Madaxa Idaacada Laanta Afka Somaliga ee VOA Mr. Yabarow oo ugu horeyn kulankaasi furey ayaa faah faahin ka baxiyey ujeedada Kulanka iyo waxyaabaha ay uga gol leeyihiin,waxaana uu sheegay in codsi ka Idaacad ahaan uga yimi Haayado caalami ah oo baadhitaano ku soo sameeyey khatarta Xanuunka Dabaysha ay ka soo codsadeen in ay kala qayb qaataan ka wacyi galinta bulshada maadaama ay dad aad u badan ay la hadlaan.

"Waxaan doonayaa in aan macneeyo u jeedadii aan anagu halkan u nimi hadii aanu nahay VOA iyo sida ay arrintani ay muhiimad u leedahay wakhti xaadirkan markaa taas waxaan uga sii araar dhigayaa taariikh ahaan hadaad imika eegto intii ka sii horeysay 1988-kii baadhitaanadii ugu waaweynaa ee markaa la sameeyey waxaa ay muujinaysay in Cudurk dabaysha ee POLIO uu Aduunka fara kulul uu ku hayey todobeeyo sano ka hor marka aad imika aad eegto waxaa laga hadlayaa Illaa Saddex boqol iyo Konton kun oo nooc in ay jireen, Haaydo samafaleed oo runtii arrintan u hagar baxay ayaa nala soo xidhiidhay oo noola yimid hadaanu nahay laanta Afka Somaliga ee VOA,kadib markii ay iyagu soo baadheen oo ay yidhaahdeen dad badan baa ay la hadlaan taas ayaa aanu anaguna aanu ka guddoonay todobaadyada soo socda iyo bilaha soo socda hadii Alleh uu idmo barnaamijyo gaara oo ku saabsan cudurk dabaysha oo meelo kala du duwan oo bariga afrika ah aanu ku qaban doono ayaanu wadi doona wacyigeeda idinkuna intii aad gaadhsiin kartaan gaadhsiiya inta ka soo qayb gashay iyo inta nala joogta iyo inta barnaamiyada dhagasyan doontaba waanu uga mahad celinaynaa". Ayuu yidhi Mr:Cabdiraxmaan Yabarow.

Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka Somaliland Marwo:Nimco Xusseen Qowdhan oo iyaduna kulankaasi ka hadashay ayaa si aada u soo dhawaysay kulankan aqoon iswaydaarsiga ah ee ay Idaacada VOA soo qaban qaabisay,waxaana ay daboolka ka qaaday in ka Wasaarada ahaan ay kaalin weyn ka qaataan sidii loo idhib tiri lahaa Cudurkan dabaysha iyada oo sheegtay in ay bixiyaan qaybaha kala duwan ee talaalada loogu talagalay Cudurkan dabaysha  bulshadana ay meel kasta oo ay joogaan ugu gudbiyaan si loo cidhib tiro Cudurkaasi.  "Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan kulankan ka soo qayb galo waayo bulshadeenu waay u baahan tahay wacyi galin wacyi galin aad u fara badan,Wasaarada Caafimaadkana runtii qorshaheedu maaha kaliya in ay bixiso talaalka oo qudha ee waxaa ay bixi saa talaalo aad u fara badan talaaladaas oo ay siyaabo kala duwan ay bulshada u soo gaadhsiiso talaaladaas waxaanu ku gaadhsiinaa hab Olole ah iyada oo Cudurk dabayshuna uu ka mid yahay,waxaa kale oo bar bar socda talaalkii talaalo yaala goobaha  caafimaadka iyo Msh-yada iyo dhamaanba goobaha caafimaadka oo dhan, waxaana aynu ognahay in qofka uu a siibo cudurka bayshu aanu lahayn daawo laakiin waxaa uu leeyahay waa ka hortag wasaarada caafimaadkuna waxaa ay ku hawlan tahay sidii ay udajin lahayd siyaasad ay ku hagayso talaalka,waxaanan aad ugu farax sanahay barnaamijkan loogu tala galay cudurkan dabaysha waxaanan Idaacada VOA ku kordhinayaa in ay wacyi galinta ay halkaasi ka sii wadaan" Ayey tidhi Marw:Nimco Xusseen Qowdhan,

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Md:Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo isaguna kulankaasi ka hadlay ayaa si aada ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay barnaamijyada noocan oo kale ah,waxaana uu carabka ku dhuftay in ka xukuumad ahaan ay dhiiri galinayaan.

"Waxaan Cabdiraxmaan Yabarow iyo Idaacada VOA-ba aan ku hambalyeynayaa mawduucan loo baahnaa in laga hadlo ee cabdiraxmaan halkan inoogu soo bandhigay anagana ka wasaarad ahaan dhinaca wacyi galinta ayaa naga khuseysa oo Haayadaha Caafimaadka ee UNICEF iyo WHO ay kamid yihiin waanu iska kaashanaa sidii aanu wacyigalin balaadhan loga samayn lahaa markaa mawduucaasi aadka u wanaagsan ee Caruurta laga talaalayo cudurk POLIO si wanaagsan ayaa uu dalka oo dhan u wada gaadhaa,Xukuumadu sida la sheegayba muhiimad weynbaa ay runtii siisay waxaana arrintaas ku tusinaaya markii arrintaasi ay soo baxday in dadka waaweyn ay POLIO-du ku dhacdo waxaa ugu horeeyey cid talaalka qaadata Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxaa kale oo Maansoor lagu qabtay shir aan anigu goob joog ka ahaa oo madaxweyne ku xigeenku uu furey oo xubno badan oo golaha wasiiradu ay qaateen talaalkii Cudurk Dabaysha oo dhamaan la wada talalay taasina waxaa ay dhiiri galinaysaa talaalka la talaalka maadaama tashuush badan lagu furey"Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Warfaafintu

Gabagabadiina waxaa halkaasi  si xooga ay khubaradii ka soo qayb gashay si xeel dheer ay ugaga doodeen khatarta ay leedahay cudurka dabayshu iyada oo sida oo kalena,marti sharaftii ka soo qayb gashay ay halkaasi iyaguna dhankooda ay ku soo bandhigeen macluumaadka ay ka hayaan khatarta Cudurka dabayshu,waxaana ya dhamaantoodba ka sinaayeen in si dhakhso ah loogu baahan yahay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa khatarta baahsan ee uu leeyahay Cudurk dabayshu,waxana dhanka kale isla goobtaasi iyagun dareenkooda la wadaagay marti sharaftii ka soo qayb gashay dad iyaga hore Cudurkani uu u soo asiibay ku waasi oo iyaguna ku dhiiri galiyey Idaacada iyo dhamaanba cidii kale ee ka qayb qaadanaysaba in ay sii kordhiyaan dadaalka ay ugu jiraan cidhib tirka Cudurka Dabaysha.