Cabdillaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Xaaladaha Siyaasadeed Ee Uu Dalku Marayo

0
734

jawaanHargeysa (Geeska)-Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan) oo ah Guddoomiye ku xigeenkii Komishankii Doorashooyinka ee ugu horeeyey, ayaa waxa uu sheegay inuu aamisan yahay in Doorashada oo la filaayey inay Sannadkan dhacayso dib u dhac ku imanayo, isaga oo tilmaamay in dhabihii lagu qaban lahaa Doorashada aan la haynin.

Cabdillaahi Jawaan ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay markii ugu horeeysay Doorashada Madaxtooyada ee Sannadkii 2003, Doorashadaas oo muran badani ka dhashay, isla markaana uu Daahir Rayaale ku guulaystay, kana guulaystay Siillaanyo, marar badan Xisbiga Kulmiye ku andacoonayey in ku shubo dhacday, ayaa tilmaamay in Doorashadaasi si cadaalad ah oo xor iyo xalaal u dhacday, Daahir Rayaalena uu si toos ah oo sharciga waafaqsan ugu guulaystay.

Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan), ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin Xaalada ka taagan Gobolka Awdal, Saami qaybsiga Xilka Dawladda, Madaxweyne ku xigeenka Punland ee Buhoodle yimid, loolankii Musharaxnimo ee Xisbiga Kulmiye ee u dhexeeyey Cabdicasiis Samaael, Muuse Bixi, Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu ka hadlay Gobolka Hawd iyo Magaalada Baligubadle, oo uu tilmaamay inay tahay Hooyadii SNM, isla markaana aanay haboonaynin in aan tijaabo la gelin gobolnimadeeda ee si toos ah loo ansixiyo, waxaanu yidhi “Arinta Awdal waan la socday, Salaadiinta iyo Odayasha Gobolkaasina cabasho ayey soo gudbiyeen, Sannadkii hore, iyada oo aan wali Xukuumaddan waxba ka soo bixin ayuu Suldaan Wabar ka baxay Somaliland, waxa aan u arkaa in waxa buunbuunin ahi ku jiraan waxa in laga garaabo ay tahayna wey ku jiraan, aniguna taas waan dareensanahay, inaga oo Dawlad ah, Qarana ah in xilalka dawladnimo in la isku dheeli tiro ayaa wanaagsan, Shirkii lagu qabtay Burco ee 17/5/1991-kii, waxa lagu heshiiyey in markii ay isku yimadeen Beelaha dega Somaliland oo dhan in labada Sanno ee hore loo daayo Xilka Beeshii SNM, balse Shirkii ka dambeeyey ee Borama lagu qabtay 1993-kii saami qeybsi ayaa ka dhacay, Madaxweynaha waxa qaatay Beelaha dhexe, Madaxweyne ku xigeenka  waxa lahaa Gobolka Sool, ama Dhulbante, wey diideen, Cali Khaliif ayaa ka gacan taagtay,markii dambena Odayaashii iyo Garaadadii kuligood wey diideen, oo markii dambe xitaa waxa aanu gaadhnay in aanu nidhaahno Warsangaliyoow Nin Madaxweyne ku xigeena keena, iyana wey diideen, markii dambe waxa la isla gartay in Kursigii Madaxweyne ku xigeenka la siiyo qof ka soo jeeda Gobolka Awdal, waxa markaas la keenay oo Madaxweyne ku xigeen noqday Cabdiraxmaan Aw Cali, Madaxweynihiina waxa noqday ALLE ha na xariiste Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo ka soo jeeday Beesha dhexe, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waxa noqday Axmed Cabdi Xaabsade oo ka soo jeeda Gobolka Sool”.

Cabdillaahi Jawaan ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashadii Golaha Wakiilada ee dhacday Sannadkii 2005, ayaa yidhi “Doorashada Wakiilada ee dhacday Sannadkii 2005, waxa dhacay isbedel, oo Guddoomiyihii Wakiilada ayaa meesha ka baxay, Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenkiiba waxa noqday  Cabdiraxmaan Cirro, iyo Cabdicasiis Samaale oo ah laba nin oo ka soo wada jeeda Beelaha Dhexe, Baashe oo ka soo jeeda Gobolka Soolna waxa laga dhigay Guddoomiye ku xigeenka labaad, taasina waxa ay wax u dhimaysay muqaalka isku dheeli tirnaanta ee sida xilalka look ala hayo uu meesha ka baxay, Gobolka Awdal wali Madaxweyne ku xigeenkii wuu u jooga, balse Misaanka Wasaaradda ayey waxa ka tabanayaan, kuwaas oo u baahan isku dhiili tir, tusaale ahaan Xaafad ayaa Wasiiraddihii ugu muhiimsanaa qaatay, Wasaaraddahaas oo kala ah Arrimaha Dibada, Qorsheynta, Waxbarashada, Maaliyadda iyo Ganacsiga”.

Cabdillaahi Jawaan ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada wuxuu yidhi “Sannadkan ayaa lagu waday inay Doorashadu dhacdo, oo wakhtigii ay dhici lahayd waxa ka hadhsan Shan BIlood, Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay, Xisbiyadu waxa ay leeyihiin ha la qabto, laakiin aniga aragtiddayda, oo Doorashada waaya-arag  u ah, oo ah Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Doorashada, Saddexdii Doorasho ee ugu horeeyey wax ka qabtay, waxa aan u arkaa inay Doorashadaasi dhacaynin wakhtigii loogu talagalay”.

Cabdillaahi Jawaan ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashadii Madaxweynaha ee 2003 yidhi “Sharciyan Dooorashaddii Madaxtooyada ee 2003, waxa helay Daahir Rayaale, waxbana laguma shuban, Axmed Sillaanyo oo ah Maanta Madaxweynaha dalkana muu odhan waa la igaga shubtay, markii hore waa la filaayey inuu Kulmiye ku guulaysto, balse marku qofkuu waayo waxa uu filaayey argagax ayaa ku dhaca, markii hore wey yara buuqeen balse markii dambe ee ay ogaadeen inay Doorasho xor iyo xalaal ah ay dhacday ayaa ay ku qanceen, iyana waa kuwii taageeray, 80-cod inay kaga tagaana qasab ayey ahayd, oo 80-cod oo qudha may ahayn ee markii dambe ee dib wax loo baadhay ee Kulmiye ashkatooday, waxa soo baxay codod dheeraad ah oo UDUB ay lahayd  waxa lagaga guulaystay 217-cod,oo Maxkamadda ayaanu u gudbinay”.

Cabdillaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey sida uu arko Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee Buhoodle yimid, waxa uu yidhi “Buhoodle lama qaadan, Dhul ahaan waa Somaliland, laakiin saluug ayaa jira, oo in badan ayaa ina Caamay iyo Rag kale oo badan ay lahaayeen gogol ha naloo dhigo, balse may dhicin, waxa Buhoodle ka jira dhaliisha kowaad waxa yeelanaysa Somaliland, waayo Xukuumad ahaan iyo Somaliland ahaan marna si hagar la’aan ah waxba looguma qaban, waxa aynu ogeyn markii Shirka Taleex lagu qabanaayey in Xukuumaddu tidhi Shirka Taleex wax dan u ah Somaliland ayaa ka soo baxayee yaan la fara gelin, waxa ka soo baxday Khatumo State oo Somaliya ah, Madaxweyne ku xigeenka Punland inuu ka khudbadeeyo Buhoodle argagax iguma noqonayso waayo Buhoodle waa Somaliland, waxaana wanaagsan waxa ay tabanayaan in lagala hadlo oo loo hagaajiyo”.

Cabdillaahi Jawaan ayaa mar uu ka hadlaayey loolankii u dhexeeyey Cabdicasiis Samaale, Muuse Biixi iyo Maxamed Biixi Yoonis yidhi “Xisbi walba isaga ayaa leh arinta Musharaxnimadiisa , laakiin arinta Kulmiye waxa aad mooda in waddo khaldan la mariyey in Beelo ka hadlayaan, Beeli odhayso anaga ayaa leh, oo Saddex Nin oo Ilmadeer ah la isku garaacayo,Xisbiga Kulmiye Xaafadi ma leh, Saddex Nin oo Ilmadeer ahina ma leh, Madaxweyne ayaa imika jooga, Dastuurkuna laba goor inuu isa soo sharaxo ayuu u ogol yahay, inuu Madaxweynuhu Musharaxa ahaahdo, Muuse Biixina Guddoomiyaha XIsbiga looga dambeeyo ayaan ku talin lahaa, taladda ugu sareeysaana iyaga ayey ka dhexeeysa, aniga oo qiimeyn iyo qadarin u haya Odayaasha iyo Salaadiinta Sacad Muuse, balse xaq uma laha inay XIsbiga Kulmiye ku murmaan, oo yaanay isku seegin”,

Cabdilaahi Jawaan ayaa mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha wuxuu yidhi  “Madaxweynaha hadda xidhiidh wada shaqayneed nagama dhexeeyo, balse xidhiidh taariikhiya oo Aniga iyo Madaxweynuhu laba nin oo Saaxibo oo aad iskugu dhaw ayaanu ahayn, oo laba Abaal ayaan u hayaa, labadaas abaal ee aan u haaya ayaa kala ah in Magaalada Baligubadle Dagaalkii ugu dambeeyey ee Faqashta ee dadkii degenaa la xasuuqay 18-qof ayaa ku dhintay, Inan reer Alle-baday ah mooye inta kale Reer Baligubadle ayey ahaayeen, markaas ayaa Madaxeynaha Axmed Sillaanyo iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Cabdi Aadan ayaa tunka u riday in Baligubadle Degmo loo magacaabo, Astanka Qaranka iyo magacaba aniga ayaa sameeyey, markii aan sameeyey aad ayaa la ii cadaadiyey, Rag xoog ah oo u badan Beel gaar ah ayaa iga soo hor jeestay, Axmed Siillaanyo inta uu Gacanta  taagay ayuu yidhi Anigu codkayga Cabdilaahi ayaan siinaya oo Astaantiisa ayaa ugu qurux badan, codkiina waan ku guulaystay, Xasan Sheekh Muumin oo hees sameeyey Dugsiyada ayaa lagu dhigaa, oo dawladda ayaa ansixinaysa, Calankii hore Ismaaciil Mire iyo Nin kale ayaa sameeyey oo Cigaal ayaa bedelay, Calankii dambena Nin reer Borama ayaa sameeyey oo Dugsiyada ayaa lagu dhigaa, Astantan aan sameeyeyna Madaxweynaha laba goor ayaan ugu tagay, oo ah in Digreeto ku soo saaro in aan anigu sameeyey, caqabad kasta ha hor taagnadaane, ilaa hadda muu soo saarin, waxaan leeyahay Madaxweyne mar kasta oo aad Shir jaraa’iid qabanayso Astaanta aad hoos taagan tahay Ninkii sameeyey aniguu ahaaye ha igala masuugin aniga ayaa soo saaraye”.

Cabdillaahi Jawaan ayaa mar uu ka hadlaayey Gobolka Hawd yidhi “Madaxaweyne Gobolka Hawd iyo Magaalada Baligubadle waad u hoyotay, waa Xaruntii Halganka Somaliland, waa Hooygii SNM, waa Hooyadii SNM iyo Somaliland, Hooyadana lama tijaabiyo lama imtaxaano, ee waa loo abaalguda, ee waxa wanagasan in aan loo tijaabin Gobolnimada ee si toos ah Gobolnimada ha loogu ansixiyo.

Dhinaca kale Gobolka Hawd waa Gobol balaadhan, oo ka kooban Shan Degmo oo kala ah Baligubadle, Salaxlay, Sabawanaag, Faraweyne, Sayla iyo Bali Cabane, waana dhibaato in Salaxlay iyo Sabawanaag yidhaahdan waxa lanaga xukumaa Hargeysa, Fara-weyne, Sayla iyo Bali-Cabana yidhaadaan waxa lanaga xukumayaa Gabiley, marka loo eego beesha Baligubadle degtaa, Degmadaas oo qudha ayey degaan, Beelaha kale ayaa kaga badan, markaas waxa aan leeyahay idinka ayaa cid walba iska xiga, isku duubnada, oo gobolkiina Hawd ku kalsoonada”.