Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Beeniyey Warar Sheegaya Inuu Is Casilayo

0
746

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibaada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa meesha ka saaray jiritaanka warar la isla dhex marayo oo sheegaya inuu ka tagayo shaqada wasiirnimo oo uu Madaxweyne Biixi u gudbiyay warqad iscasilaad ah.

Wasiir Faratoon oo uu Geeska Afrika weydiiyay, waxa ka jira wararkan ayaa beeniyay jiritaankooda, “Isma casilayo, ismana casilin, wax alla wax ka jiraan ma jiraan.” Ayuu yidhi Wasiirku, oo intaas raaciyay, “Waa been ee waxba kama jiraan.”

Wararkan uu wasiirku beeniyay ayaa waxay sheegayeen in wasiirku sababo u gaar ah uu isu casilayo, isagoo wasiirku muddooyinkii u dambeeyay dalka dibadiisa ku maqnaa, waxaanay wararku intaas ku darayeen in isku shaandhayn iyo xil ka qaadis la filayo oo uu Madaxweyne Biixi samayn doono wasiirka arrimah dibadda loogu magacaabi doono masuul kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here