Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag U Dhaliilay Madaxweynaha, Kana Digay Inuu Dalka Dib Ugu Celiyo 1994

0
740

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyay oo madaxweyne ay qaban doonaan hadii aan ta wakiilada iyo deegaanka aan la qaban.

Waxa uu madaxweynaha ku dhaliilay guddoomiye Faysal inuu waxii lagula heshiiyay waxaan ahayn uu kolba ay ka soo baxayaan arintaas oo mid yaab badan uu ku tilmaamay, waxaanu rajo ka muujiyay inay madaxweyen Biixi uu soo dabco, Guddoomkiye Faysal ayaa sidan u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“ Raqayo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo, Shacbiga Somaliland waa mid wanaagsan oo soo dulqaatay oo iyaga oo qaawan dalkooda soo galay, magaalooyinkaas camirana waa arimhii gaarka ahaa markasta waxa hoojiya dadkeeda siyaasiyinta ah, Somaliland maanta waxa haysa waa hogaan xumo, waa dawlad xumo, suldaan xumo, waa sheekh xumo meel aad u eersato runta hadaad doonayso ma jirto, waxa intaas noogu soo darsamay dad caruurahoodii joogaan dibada oo aan garanayan waxa dunida ka socdaba oo qabiil ku hadaaqaya iyo niman cumaamado qaatay,ninkaas Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal hadaanu AHN noo imana intaas maanu samaysan karneen, intii uu sameeyay ee Rayaale aan ku soo gaadhnay todobadii sano ee doorashada xorta ah uu ku dhiibay ayaanu todoba sano iyo laba danbe sagaalkaas sano ee Kulmiye gacanta ku hayay ayuu wadankii sii baaba’ay, waanagaas maanta leh dadbaa doonaya inay  dalka ku celiyaan 1994-tii laakiin jawigiibaan oolin ee hoggaanka ayuunbaa la badlayaa, hadduu imika dhamaysan waayo Muusana sida uu u wado doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyay ayaanu qabanaynaa ku eegi  mayno, labadaas sano xanuunkii aanu ka dawaynay 1994 ayuu ku celiyay kuwii dalka ka cararay ee iyaga ay is qabsadeen inaga maqnaa soddonka sano ayaa markay kuwani yimaadeen sidii haada soo degay, oo caruurtii ay qixiyeen caruurtoodii doonaya inay qixiyaan.”

Guddoomiyaaha oo arimahan ka sii hadlaayay waxa uu rajo ka muujiyay in lays afgarto“ Maanta maalin uu ka fiican yahay Muuse Biixi iyo Waddani dadka nala jooga Cirro waa uu ku laabtay Finland ee ma jirto, madaxweynaha Jida waanu ugu tagnay halkan waanu ugu tagnay aniga iyo Xirsi markaas waxaanu ku heshiinay inaanu talaabadayadii labaad aanu wadno laakiin madaxweynuu uu warqad noo soo qoro uu kaga cudurdaaranaayo waxii dhacay, noogana tacsiyeeyo nagana raali galiyo, warqadaanu isku ogayn ayuu ka dhigay war-saxaafadeed, madaxweynii markaad wax kula heshiiso wax kale ayuu soo saarayaa, anagu wax kasta oo ay doorasho ku dhacayso waanu ogolnahay Waddanina waxay yidhaahdeen warbixinta aad nasiisay iyo waxa soo baxay Xirsow isma laha, Sabtida ayaanu shiraynaa insha allaah, laakiin way ka go’antahay reer Waddani iyo madaxweynahaba doorkan waanuna dhamaynaynaa insha allaahu tacaalaa,horaanta wiigan ayaanu soo magacaabaynaa toddobadii xubnood,  labada danbena baarlamaanka danbe, ta Caare iyo Ceel-afweyn way inaga wada dhamaanayaan insha allaahu, madaxweynuuna maalintii dhawayd ee aanu la kulanay waxa uu u eegaa nin soo jilcay oo wax soo fahmaaya.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here