Wasiirada Maaliyadda Iyo Ganacsiga Oo Kormeer Kedis Ah Ku Tagay Kastamada Galbeedka

0
473

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis  Maxamed Samaale iyo wasiirka Ganacsiga Dr: Muuse Qaasim ayaa shalay  kormeer ku tagay Kastamada Abaarso, Kalabaydh iyo Wajaale, waxaanay u kuur galeen hanaanka ay u shaqeeyaan iyo qaabka ay u socoto Ururinta Cashuuruhu.

Labada Wasiir ayaa muddo saacado ah kormeerkooda ku ekaysiiyey Kastamada, waxaanay warbixino ka dhagaysteen masuuliyiinta kala duwan ee ka hawl-gala goobaha dakhli Ururinta iyagoo ku baraarujiyey inay sanadka cusub laban laabaan soo xaraynta Dakhliga laga filayo Odoroska Miisaaniyad sanadeedka 2015-ka, taasoo kor u dhaafaysa laba boqol iyo Konton Milyan. Sidoo kale, Kormeerka labada Wasiir ayaa waxa kulmiyey qiimaha sarrifka shilling Somaliland-ka iyo Doolarka lagu saleeyo cashuuraha oo sanadkan cusub laga dhigay shan kun oo shilling halka Dollar, halka uu ka ahaan jiray afar kun iyo shan boqol oo Shilling.