Faysal Cali Waraabe Oo Balanqaaday Inuu Jiingad Saari Doono Dugisga Sare Ee Dhoqoshay

0
558

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ay booqasho ku marayaan deegaano ka tirsan gobalka Togdheer, ayaa balan qaaday inuu jiingada saari doono dugsiga sare ee degmada Dhoqoshay oo muddo dheer bilaa jiingad ahaa.

Guddoomiye Faysal iyo weftigiisa oo doraad gaadhay degmada Dhoqoshay ee gobalka Togdheer, ayaa wuxuu balan qaaday inuu jiingada saari doono dugsigaas sare islamarkaana uu lacagta waxbarashada dugsiga sare ka bixin doono 10 arday oo reer dhoqoshay ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dugsigaas sare uu bilaa jiingad ahaa muddo dheer islamarkaana aanay arag cid ka caawisa sidii dib u dhis loogu samayn lahaa.

Odayaal ka tirsan deegaanka Dhoqoshay oo halkaas ka hadlay ayaa guddoomiye Faysal iyo xisbiga UCID uga mahadceliyay hawsha uu kaga qayb qaadanayo horumarinta waxbarashada degmada Dhoqoshay, waxaanay sheegeen in dadweynaha deegaani taageeri doonaan xisbiga uu hoggaamiyo ee mucaaradka ah.