Wasiirada Khaarajiga Iyo Qorshaynta Oo Ka Qaybgalay Kulan Loogu Mahadnaqayey Maamulka Jaamacadda Hargeysa

0
569

Hargeysa (Geeska)- Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Mudane, Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo horumarinta Mudane Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire) iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mudane Axmed-Keyse Aadan Ismaaciil ayaa arday ka mid ah jaamacadda Hargeysa kala qaybgalay munaasabad casho-sharaf oo lagu maamuusayey maamulka sare ee Jaamacadda Hargeysa.

Ardaydan oo ah lodkii ugu horreeyey Jaamacada Hargeysa ee shahaadada labaad ee heerka-jaamacadda (Master degree) oo cilmiga horumarinta ah ka qalin jebiyey ayaa habeennimadii sabtidu soo gelaysay casho sharaf mahadnaq ah u sameeyey maamulka sare ee jaamacadda Hargeysa, waxa aanay sidoo kale casuumeen wasiirrada labada wasaaradood ee arrimaha dibadda iyo qorshaynta oo ka mid ah wasaaradaha muhiimka u ah cilmiga ay barteen.

Munaasabadda waxaa ugu horeyn furay wasiirkii hore ee cadaaladda Somaliland Mudane Axmed Xasan ‘Casoowe’ oo ka mid ahaa ardayda qalin-jebisay, waxa aanu ka warramay sababta cashadan oo ah mahadcelinta ay ardaydu u jeedinayso maamulka jaamacadda iyo isbarashada wasiirrada wasaaradaha uu cilmiga ay barteen gaar u sii khuseeyo.

Guddoomiyaha Maxadka Daraasaadka nabadda iyo khilaafaadka, Mudane Naasir Maxamed Cali oo isla markaana ahaa hormuudka waaxda barashada shahaadada labaad ee jaamacadda oo munaasabadda ka hadlay, ayaa ka warramay duruufihii kala duwanaa ee ay ardaydan iyo jaamacaddu isla soo mareen, iyo sida ay jaamacaddu ugu guntatay in ay saaxadda maamulka qaranka ku soo kordhiso arday baratay cilmi loo baahan yahay. Mudane Naasir waxa uu sheegay in ardaydani noqon doonaan kuwo ku sii xidhnaada jaamacadda.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa, Mudane, Kaaliye-Bare-sare Siciid Muxumed Jibriil oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay, in barnamaijkan takhasuskiisu ahaa ‘Daraasaadka horumarinta’ ay jaamacaddu xoog saartay iyada oo dareensan baahida aqoon ahaan dalku u qabo cilmigan, Mudane, Siciid waxa uu sheegay in ardayda cilmigan baratay, ee hadda qalinjebisay la mariyey nidaam adag oo dhinaca daraasadda iyo cilmibaadhista ah, si loo hubiyo in cilmibaadhista ardaydu soo saaraysaa noqoto mid tayo leh oo jaamacaddu uga faa’idayn karto dalka iyo xitaa guud ahaan in ardayda qaar cilmibaadhistooda dib loo habeeyo oo lagu daabaco Joornaallada cilmiga ee caalamiga ah. Waxa aanu sheegay in lodkan oo kii ugu horreeyey ah aanay jaamacaddu jari doonin xidhiidhka joogtada ah ee ay la leedahay si loo sii horumariyo aqoontooda loogana faa’ideeyo.

Wasiirka Qorshaynta Mudane Maxamed Qabyo-tire ayaa isna mar uu munaasabaddan ka hadlay sheegay in uu soo dhoweynayo ardayda baratay cilmiga horumarinta oo uu tilmaamay in wasaaraddiisu baahi badan u qabto dad aqoon ahaan u martay horumarinta ay dalka u qaabilsan tahay, oo xoojiya hawlaha wasaaradda. Waxa aanu ballan qaaday in uu diyaar u yahay in dalka looga faa’ideeyo cilmiga ay barteen ardaydani, isaga oo dalbaday in liiska magacyada ardaydan oo lodkii ugu horreeyey ah, loo soo gudbiyo wasaaradda si wasaaraddu ugu xisaabtanto, una ogaato ka faa’idaysigooda, marka loo baahdo.

Wasiirku waxa uu ka sheekeeyey dadaalka dheer ee ay ugu jiraan dejinta qorshe-horumarineedka shanta sano ee soo socda, oo ay hawlwadeennada wasaaraddiisu gacanta ku hayaan waqtigan, waxa aanu ardayda u soo jeediyey in ay ka qaybgalaan kulamada aqoon is-weydaarsiga ah ee ay qabanayaan hawlwadeennada waasaradda ee dejinta qorshaha ku hawlan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ugu dambayntii isaguna munaasabaddan ka jeediyey hadal isugu jiray mahadnaqa jaamacadda, hambalyada ardayda iyo talooyin uu u jeediyey jaamacadda iyo weliba ardaydan hadda qalin jebisay.

Wasiirku waxa uu sheegay in ardaydan ‘Daraasaadka horumarinta’ baratay ay qaateen maaddo cilmi ahaan dalk uu baahan yahay, marka la eego xaaladda nololeed iyo guud ahaan horumar ee dalka ka jirta.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland ay ka mid tahay dalalka dunida ugu saboolsan, cidda laga sugayo in duruufahaas ay kala tacaashaana ay tahay aqoonyahanka oo la dagaalama sababaha saboolnimada oo uu sheegay in ay ugu weyn tahay aqoon la’aanta iyo maamul xumadu.

“Ha sugina illaa inta la idiin yeedhayo, ee cidi idin shaqaalaynayso, cidda laga sugayo inay wax shaqaalayso, oo wax horumarisaa waa idinka iyo jaamacadda aad ka soo baxdeen” ayaa uu yidhi wasiirka oo dhiirrigelinayey ardaydan uu cashasho-sharafta mahadnaqa ah kala qaybgalay.

Wasiirku waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay meelaha horumarinta u baahan ee la taaban karo, kuwaas oo uu sheegay in ay ka mid yihiin biyo la’aanta oo uu sheegay in dhibta inaga haysataa ay tahay maarayn la’aan iyo ka faa’idaysi la’aan.

Ugu dambayntii waxa ay ardaydu maamulka sare ee jaamacadda guddoonsiisay shahaado-sharafyo ay ugu mahadcelinayso dadaalkii ay jaamacaddu waxbarashadooda ka gashay, waxa ay sidoo kale shahaado sharaf guddoonsiiyeen labada wasiir ee arrimaha dibadda iyo qorshaynta oo ay ku maamuuseen sharafta ay ku aqbaleen in ay ardaydan la maamuusaan maamulkooda jaamacadda.