Xildhibaano Madaxwynaha U Soo Jeediyay Inuu Wax Ka Qabto Sicir Bararka Iyo Kor U Kaca Maceeshada

0
610

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur oo ka tirsan Golaha Guurtida iyo Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo isna ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa hadlay sicir bararka iyo qiimaha sarifka ee sare u kacsan ee dalka ka jira, waxayna Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa ugu baaqeen inay wax ka qabtaan sicir bararka iyo qiimaha sarifka.

 

Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur iyo Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale ka hadlay abaaraha, xanuunka shuban biyoodka ee ka dilaacay deegaano ka tirsan Somaliland, baaq nabadeedna u diray Beelaha is laayey, ugu horeyna Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo isagu ah Guddoomiyaha Gudida Arrimaha Bulshada oo arimahan ka hadlaya ayaa yidhi “Sicir barar ayaa saameyey guud ahaan dalka, waxaana leeyahay waa inuu si fiican u jabaa, wax walba oo aad iibsato doolar baa wax lagaga iibinayaa, hadad bakhaar tagto, hadad Bacadlo tagto, hadad hudheel tagtaba, meel kasta lacag doolar ah ayaa wax lagaga iibinayaa, lacagteenii kaashka ahayd waxba laguma iibsanayo, wey tayo beeshay, markaas waxaan Madaxweynaha leeyahay Madaxweyne wax ka qabo sicir bararka dhibaatada ku haya dadka, maxa yeelay dalkii abaar baa ka jirta, dadkeenuna aad bay maanta u liitana una jilicsan yihiin, ma awoodana mana qaadi karaan sicir bararka dalka ka taagan ee waxaan Xukuumadda leeyahay waa in wax laga qabtaa sicir bararka oo sarifka doolar halkiisi hore lagu soo celiya, ganacsataduna ha u naxariisto dadkooda oo maceeshada ha ka jabiso”.

Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur ayaa isna isagoo ka hadlay sicir bararka iyo abaaraha ayaa yidhi “Waxa imika dadkeenii iskugu darsamay abaar, sicir barar iyo colaad imika ka soo cusboonatay deegaanka Dharkeen-geenyo, horta ugu horeyn waxaan Xukuumadda ugu baaqayaa inay wax ka qabato sicir bararkan culayska ku noqday dadkii, oo dadkii danyarta ahaa aad bay ugu dhiban yihiin sicir bararkan iyo sarifka bararka iskugu biiray, noloshii dadkuna cidhiidh bay gashay, sababtoo ah waa dhibaato in iyadoo abaari jirtay in haddana  ay inagu soo kordhaan sicir barar iyo sarif barar”.

Dhinaca kale labadan Xildhibaan ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood ee walaal ah ee dagaalku ku dhexmaray Deegaanka Dharkeen-geenyo, waxayna ugu baaqeen inay dagaalka joojiyaan oo wada hadal wax ku xaliyaan, waxa kale oo ay ku baaqeen in laga hor tago cudurka shuban biyoodka ee deegaano ka tirsan Somaliland ka dilaacay, waxayna Xukuumadda ugu baaqeen inay ka hor tagto cudurkan intaanu sii fidin.