“Waxaad Arkaysaa Dad Aan Aqoontii Diinta Lahayn, Oo Dhaqankii Diintuna Ka Muuqan Oo Gadhxiir Ah Tayna Xidhan Oo Dadkii Wada Gaalaysiinaya”

0
602

Hargeysa(Geeska)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa markii ugu horaysay ka hadlay arrimaha tagfiirka oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku soo cusboonaaday saaxada dadka Soomaalida ah kadib markii lagu dhawaaqay ururka Al-saaciduuna bil-xaq.

Waxa uu sheekhu sheegay sababaha keeni kara tagfiirka iyo siyaabaha ay ku samaysmi karaan, waxaanu tilmaamay sida haatan uu xalku ku jiro, waxa uu arimahan sheekh Dirir kaga hadlay khudbadii jimcaha waxaana hadalkiisa ku bilaabay "Waxyaabaha keeni kara kooxahaas caalamka islaamka ka soo noqnoqday ee dadka galaysiinaaya waxa ka mid ah dulmiga lagu hayo dadka islaamka u dhaqdhaqaaqa,  oo in badan kooxaha tagfiirka qaar badan oo ka mid ah waxa ay ka soo baxeen xabsiyada, intay xabsiga ku jireen ayay afkaartan ah umadda sidan inoo galayaa maaha islaam ee waa gaalo, taasuna ma saamaxayso in qofku cadhada haysa iyo dulmiga lagu sameeyay uu qofku darajo aanu lahayn uu dhigo, asxaabtii nabiga iyo salafkii saalaxiinta ahaaba inbadan waxa la noolaa oo asxaabta iyo ehelkoodaba dhibi jiray, niman madax ahaa oo daalimiin ahaa hadana gaalnimo kumay xukumin ee waa ay la tukan jireen oo waa ay sabrayeen Allena waxa uu yidhi " Cadhada aad cid u qabtaan cadaalad la'aan yaanay idinku kalifin", hadii qofkii dhib loo gaystay maaha go'aan aan sax ahayn inuu gaadho,waxyaabaha keeni kara waxa ka mid ah fasahaadka iyo dunuubta ku faafaya bulshada islaamka dhexdeeda ee dadkii xumaana uu suuqoodu xaami yahay oo la xayaysiinaayo oo meel waliba ay u sahlantahay, dadkii wanaagsanaana la riixayo oo la cadaadinayo, cuqdaday taas ka qaadaan ayaa keenaysa inay gaalaysiyaan, waxa kale oo keenaysa in dadkii maamulada ahaa oo aan ku dhaqmayn kitaabkii alle iyo sunadii rasuulka, waxaana laga yaabaa inay yidhaahdaan nimankan aan kitaabkii alle waxba ku xukumayn iyaguna waa gaalo iyada oo iyaduna dib u eegid u baahan tahay, oo la odhanaayo dadkan wax ku xukumaaya waxaan sharcigii alle ahayn maxuu mawqifkoodu yahay, ma qaar xalaalaystaybaa, ma kuwo u arkaaya waxani inay xal yihiin baa mise waa kuwo u arkaaya inay danbi samaynayaan oo marxalad iyo duruuf ay marayaan, dib u eegid ayay u baahantahay."

Sheekhu isaga oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"mararka qaarkood waa ay dhici kartaa in umaddaha shisheeye ay soo ciyaarsiiyaan oo dadka gaalada ah inta badan waa ay jecelyihiin qaybsanaanta ay dadka muslimiinta ah ay qaybsanyihiin, istaraatijiyadahooda ugu waaweyn waxa ka mid ah in dadka muslimiinta ah loo qaybiyo kooxo,qabaa'il iyo wadamo, kadibna ay colaadu iyaga dhexdooda ka oognaato, waayo haddii ay midoobaan caqiido ahaan,siyaasad iyo awood ahaanba, iyaga ayaa lagu soo jeedsanayaa, waana laga ayaabaa in mararka qaarkood kooxahaasi ay yihiin kuwo la soo samaystay. Sidaas daraadeed ayaad arkaysaa dad aan aqoontii diinta lahayn, oo dhaqankii diintuna aanu ka muuqan oo gadhxiir ah tayna xidhan oo dadkii wada gaalaysiinaaya, taas macnaheedu waxa weeye waxa uu sheegayaa miyay isaga ka muuqdaan. xalku waxa weeye in Alle loo noqdo, oo dadka aqoonta u leh arimaha diinta ay wax ka waydiiyaan oo aakhiradooda ay ilaashadaan, umaddan islaamka ahna waxan lagu dhaliilayo ee dadkan soo saaraya inay iyaguna saxaan"