Wasiir Xukuumadihii Hore Soo Maray Oo Reer Sanaag-bari Ah Oo Taliye Nuux U Soo Jeediyay Inuu Raaligelin Bixiyo

0
1008

Hargeysa(Geeska)-Siyaasi Maxamed Siciid Maxamed oo hore xilal wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadii Somaliland kana soo jeeda bariga Sanaag, ayaa Taliye Taani ugu baaqay inuu dib uga laabto hadalkii uu warbaahinta mariyay, isla markaasna madaxweyne Biixi u soo jeediyay inuu xaalka Sanaag dib u eego oo uu meesha ka saaro dhibaatooyinka jira.

Wasiirkan hore ayaa sheegay in lacagta ay ka qiimo badantahay nabada iyo jiritaanka Somaliland, waxaanu isaga oo arimahan kala hadlay Cismaan Axmed oo ka mid ah tilifishanka Saab waxa uu yidhi” Taliyaha ciidamada qaranka Nuux Cismaan Taani waxa aad ahayd waa laguu qirayaa dalka iyo dadkana taariikhbaad ku leedahay, waxii aad ku hadashay kuguma haboonayn laakiin kugu wada tuuri mayno, waxaanu kuu soo jeedinaynaa cidii wax kaa tabatay Somaliland oo dhan inaad tidhaahdo sidaas uma jeedin hawshaas raali halayga ahaado oo aad arintaas qancin ka bixiso.”

Wasiirka hore oo ka hadlaayay arinta bariga Sanaag waxa uu yidhi“ Arintani waxay ku soo caano maashay dagaal iyo xabad midna ma ahayne waxay ahayd dadka waanu maslixi jirnay,qancin jirnay hiil iyo hooba waxaanu u qaban karno waanu u qaban jirnay, dhaaqaaluhu waxba ma tari laakiin nidaamkii aanu ku shaqayn jirnay ee aanu ka dhaxalnay Cigaal waxa uu ahaa nabadaanu ka iibsanaynaa lacagtu qiimo uma lahayn.   Kuma mucaaradayno odaygii reerka ugu weynaana waa adiga dalka iyo dadkana masuuliyada ugu weyni adigay ku saaran tahay maalinba nin ayaa jooga ragii hore dagaal dhacaaya oo beelo beelo ah dhibaato intaa kawayn ayay dhamayn jireen madaxweyne maanta arintu meesha ay marayso hadii aan la cuslayn ma cusla waxii soo mari jiray dalka markaad u eegto boqolaal wax oo ka daran ayaa ina soo maray.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here