“In Dadka La Kala Fogeeyo Maaha”

0
645

Jaamac Shabeel

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa   Masuuliyiinta xilalka qaranka haya ugu baaqay inay ka digtoonadan hadalada caadifada keenaya ee abuuri kara kala fogaanshaha umadda.

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo u waramay Wargeyska Geeska Afirka ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “In Dadka la kala fogeeyo, oo caadifada iyo hadal aan meesha oolin lagu kala fogeeyo maaha,  waxaa loo baahna  tabasho kasta oo jirta in halkeeda loogu tago oo la xaliyo, laakiin looma baahnayn in waxaan meeshaba oolin la keeno, waxaana ka digayaa in dadka  la kala dilo, oo caadifad la kala dhex dhigo, halkii aynu hore ugu socon lahayna maaha inaynu dib u socono, ee ninka xilka qaran umadda u haya loogama baahna caadifad iyo hanjabaad, ee waxaa looga baahan yahay dulqaad iyo daacadnimo , ninka xilka qaran haya waxaa looga baahan yahay inuu waajibkiisa daacadnimo u guto, ee loogama baahna inuu wax walba siyaasad ka dhigo”.

Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa mar uu baaq u diraayey Shacabka reer Somaliland wuxuu yidhi “Umadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogto, Gobol kasta oo ay joogto iyo Deegaan kasta oo ay joogto, waa umadda reer Somaliland ah, ee Umadda reer Somaliland in  la kala qaybiyo, oo la kala lexe-jelcaysto, oo la kala didiyo uma baahna,  ee in la kasbado oo la soo jiidato oo lagu wada qanciyo  Somaliland-nimada ayaa loo baahan yahay, Umadda reer Somaliland inay meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay wax kasta oo dhaca dalkiina wada ilaashada, oo nabadgalyadiina wada ilaashadan, oo siyaasadaha la idinku kala qaybinayo ka fogaada”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here