Tobanka Masaajid ee dunida ugu caansan, dalalka Ay ku yaallaan, taariikhdooda iyo xogo la xidhiidha (1) By Kamaal Ahmed Ali

0
677

Masjidka Bani Umaya10. Maalik Faysal: Masjidka Malik Faysal  oo ku yaalla magaalada Islamabad ee caasimadda dalka Pakistan waxaa fikirka dhismihiisa lahaa boqorkii Sucuudiga ee Faysal Bin Cabdalcasiis oo mar uu booqasho ku tagay dalka Pakistan amray in masjidkan laga dhiso. Masjid Faysal waxaa maalgeliyey dalka Sucuudiga oo ku bixiyey lacag dhan 120 Milyan oo doolar waxa aanu halkii mar qaadayaa Saddex boqol oo kun oo ruux. Masaajidkan waxaa la dhisay sannadkii 1966-kii.

9. Masjid Kutubiya: Masjid Kutayba waxa uu ku yaallaa dalka Morocco, macaga Kutubiya waxa uu ka soo jeedaa kitubta sababta magacan loogu bixiyeyna waa, Masjidka oo ku yaalla suuqa loo yaqaanno Kutubiyiinta oo lagu iibiyo kutubta. Masjidkan waxaa la dhisay sannadkii 1158-kii waxaanu ku fadhiyaa masaaxad dhan Shan kun iyo Saddex boqol oo mitir oo afar jibbaaran.

8. Masjidka Bani Umaya: Masjidkani waxa uu ka mid yahay astaamaha illaa hadda aadamaha ka yaabiyey ee muujinaya farshannimada iyo qurxinta Muslimiintii hore laga dhaxlay. Waxa uu ku yaallaa magaalada magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya. Masjidkani waxa uu ka mid yahay masaajidda ugu ballaadhan uguna taariikhda fog dunida, culimada Muslimka qaarkood waxa ay sheegaan in uu yahay masjidka Afaraad ee ugu karaamada badan Islaamka, marka laga yimaaddo saddexda Xaram. La soco….