Hargeysa(Geeska)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa la sheegay inuu ku mashqulsanyahay burinta go’aan uu wasiirka maaliyadu Md. Maxamed Xaashi Cilmi ka soo saaray saabuunta, sharaabka iyo taydha dibada laga soo waarido, kaas oo uu dib u eegis ku sameeyay tacriifadii laga qaadi jiray si uu u dhiirigeliyo ganacsato wadaniyiin ah oo dalka keenay wershadaha sameeya ganacsigaas laga soo waaridi jiray dalka dibadiisa.
Toddobaadkan dhammaaday waxa xarunta madaxtooyada uu shir ku dhex maray ganacsato ka cabanaysay wasiirka maaliyadda iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu Madaxweynuhu kulankaas ku soo gunaanaday in la isugu yimaado kulan labaad mana soo saarin wax go’aan ah, waxase uu dhagaystay doodii wasiirka iyo is difaaca ganacsatada, waxaana kulanka goob joog ka ahaa oo Madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda weheliyay wasiirka madaxtooyada. Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in Wasiir Xirsi ku hawlanyahay sidii uu u burin lahaa go’aanka wasiirka maaliyadda oo la sheegay inuu sidoo kale ku qanciyay Madaxweyne Axmed Maamed Siilaanyo. Wasiirada madaxtooyada iyo maaliyadda oo aanu isku daynay inaanu warkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin, laakiin ilahani waxay intaas ku dareen in go’aankani abuuri doono khilaaf cakiran oo ka dhex oogma labada wasiir ee madaxtooyada iyo maaliyadda, iyadoo la ogyahay inuu bishii hore jiray khilaaf ka dhex qarxay wasiirada maaliyadda iyo macdanta iyo biyaha Maxamed Xaashi Cilmi iyo Xuseen Cabdi Ducaale. Hase yeeshe khilaafka ka sokow waxaan la saadaalin Karin go’aanka uu arrintan ka qaadan doono wasiirka maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi oo uu Madaxweyne Siilaanyo hore uga diiday istiqaalad uu u gudbiyay ka dib markii ay wasiirka macdanta iyo biyaha isku seegeen lacag la sheegay in laga soo qaaday laba shirkadood oo macdanta qoda oo uu wasiirka Xaashi sheegay inaanay qasnadda dawladda ku dhicin, inkastoo uu wasiirka macdanta iyo biyuhu beeniyay.
Go’aankaas uu wasiirka maaliyadu dib ugu eegay tacriifadda laga qaado badeecadaha dalka gudihiisa lagu farsameeyo oo ah mid lagu dhiirigelinayo ganacstada dalka ku samaysa maalgashiga, ayaa waxa soo dhaweeyay bulsho badan oo ku tilmaamay go’aan wadaniyadeed, laakiin lama garanayo halka ay madaxtooyada iyo wasiirkeedu wax ka eegeen.
Dhawr goor ayay xisbiyada mucaaradku Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyeen inuu xilkiisii gabay islamarkaana ay wasiiradiisu adeegsadaan awoodiisa ay shacabku ku siiyeen doorashadii madaxtooyo ee dalka ka dhacday 26 June, 2010.
Comments are closed.