Deg Deg: Madaxweynaha Oo Amray In Albaabada loo xidho Telefishanka HCTV

9
743

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa caawa albaabada u xidhay telefishanka HCTV ee madaxabanaan ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo amar ku bixiyay in la xidho.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa fiidkii tagay xarunta baahinta ee telefishanku ku leeyahay Hargeysa, waxaanay damiyeen baahintii ka socotay iyagoo ka dareeriyay shaqaalihii goobta ku sugnaa, sidoo kale waxa ay xidheen xarunta suuqgaynta Telefishanka ee ku taala badhtamaha Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisii saaka ku cambaareeyay telefishanka madaxabanaan ee HCTV. Madaxweyaha iyo xukuumaddiisa ayaa u muuqda inay dabar u soohayaan saxafadda madaxabanaan, waxaana magaalada Borama dhawaan laga bilaabay hawlgal lagu baacsanayo saxaafadda madaxabanaan.

Comments are closed.