Cawil Oo Madaxweyne Siilaanyo Uga Digay Dheg Xumo Taariikheed

4
678

cawil-new1Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadii hore Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqay inuu iska ilaaliyo dheg xumo taariikheed oo kaga timaada shir siyaasadeedka ka socda Taleex oo lagaga dhawaaqay maamul ka madaxbanaan Somaliland.

Md. Cawil, oo isagoo jooga dalka Kenya shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu Madaxweynaha u soo jeediyay inuu mawqif wadaniyadeed oo adag iska taago shirkaas iyo natiijo kasta oo ka soo baxda, “Waynu ognahay oo sababta loo sameeyay Puntland waxay ahayd in ictiraafka Somaliland la carqaladeeyo,  Shirkan Taleex ka dhacayaana wuxuu noqonayaa mid dalka u horseedi kara burburinta Somaliland, waxaanan anigu qabaa umadaas reer Sool muddo dheer hoggaamiye siyaasadeed oo fiican may helin waxaana ugu dambeeyay ninkii la ohan jiray Cali Garaad Alle haw naxariste, intii ka dambaysay siyaasi hoggaamiya may helin waxaanay siyaasadii noqotay habqaan aan meel taagnayn, waxaanan qabaa inuu Axmed Cabdi Xaabsade is muujiyay oo kaalin mug leh ka qaatay markii Puntland laga saaray Lascanod, waana siyaasi  Somaliland-na aaminsan, waxay ahayd inuu Lascanod fadhiisto oo halkaas ka hoggaamiyo umadda reer Sool, laakiin markii uu Lascanod ka yimdi way banaanaatay meeshii, haddii uu Lascanod fadhiyi lahaa shirkaas waxaan qabaa inay wax iska bedeli lahaayeen.” Ayuu yidhi Cawil, waxaanu isagoo Xaabsade la sii hadlaya raaciyay “waxaan Xabsade u soo jeedinayaa hawshii uu hayay ee deegaanka uu siyaasiyan u fadhiyay inuu ku noqdo oo wasiirnimadu way ina dhaawacaysaa oo halkaas lagaga war hayo oo  ala sameeyo aragti siyaasadeed oo ka hortagta dadkaas kooban waayo umaddu waa reer Somaliland, waxaanan qabaa inta shirku socdo in salaadiin reer Somalialnd ahi ay shirka tagaan oo u caqli celiyaan oo wixii cabasho ay ka dhagaystaan oo waxaan qabaa in jago mug leh laga siiyo Somaliland.”

Cawil wuxuu soo jeediyay in shirka Taleex loo diro salaadiin ka waanisa inay dhibaato iyo colaad abuuraan, “Canaasiirta shirkaas wadaa waxay dadka ka dhaadhinacayaan waxba kuma haysataan Somaliland, markaas Somaliland waa inay  arrinkaas saxdo oo cabashooyinkaas la dhagaysto oo xataa haddii distoorka la furayo la yeelo, taas in lagu bogsiiyo  oo salaadiini u tagto si cadna loogu sheego oo aan laga gaban xuduudaasi waa lama taabtaan, in Somalialnd dhexdeeda cidi tidhaahdo waanu ka goosanaynaa mid aanu aqbalayno maaha, Somaliland inay burburto oo dadkeenu mar dambe is dilaan ogolaan mayno, dawladda annagu markaanu ahayn Lascanod waanagii Puntland ka xoraynay, waxa loo baahanyahay dawladda maantuna inay shirkaas ka sheegto inaanay ogolaanayn cid Somaliland u dhalatay oo tidhaahda waanu ka goosanay waayo jiritaankeenii ayaan jirayn, markas waa in si cad loogu sheego inaan la aqbalayn  waxaas oo ah xaaraan. Ragga hawshan wadaana marka ay waxyari dhacaan nin waliba wuxuu ku carari doonaa halkii uu lacagta caydha ah ka qaadan jiray.”

Xukuumada Somaliland ayaa wuxuu u soo jeediyay inay samayso wax kasta oo hirgelinaya in lagu soo gaadho qaranimadii Somaliland ee loo dhiibay “Waxaan rabaa sidii aanu ugu dhiibnay dawladnimada inuu cidda ka dambaysa sidaas ugu dhiibo, waxaan u dirayaa baaq ah dawladimada aad ka tagaysaa ha noqoto mid horumar ah  oo gacmaha is haysta, shirkaas iyo gobalkaas la sheegayaa  wuxuu noqonayaa mid ku dhaawaca,  markaas arrintaas Taleex tallaabooyin cad ka qaad una sheeg in dawladda aad Madaxweynaha ka tahay aanay aqbalayn cid tidhaahda waanu goosanaynaa oo la aqbalayaa.”

Ugu dambayn isagoo Xuseen Cali Ducaale (Cawil) la hadlaya Madaxweyne Siilaanyo wuxuu yidhi “Madaxweynaha si gaar ah ayaan u leeyahay yaanu sahlanin arrintaas, waayo waa mid khatarteeda leh oo jiritaankeena dhaawacaysa oo Somaliland burburin karta, Puntland meel ayaan iska marinay tan maantuse halisteeda ayay leedahay, markaas taariikhda aad ka tagaysaa yaanay noqonin Siilaanyo oo Madaxweyne ah ayuu gobal goostay si daacadnimo ah ayaan ugu sheegayaa midhaaas, waanan rajaynayaa inay wanaag ku dhammaato.”

Comments are closed.