Wasiir Xirsi Oo Kormeeray Jidka Sida Casriga Ah Loo Dhisayo Ee Jaaamcada Hargeysa

0
488

Picture2Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa waxa uu kormeer ku tagay Waddada Jaamacadda Hargeysa hormarta, oo si casriya loo dhisayo.

Kormeerkan uu Wasiirku Madaxtooyadu ku tagay Waddada laga dhisay Jaamacadda Hargeysa, ayaa waxa ku wehelinanaayey Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Biyaha Xuseen Axmed Cabdulle,  Xildhibaano, Masuuliyiinta iyo Ingineerada Shirkada Mandar Group of Companies (MGC) oo ah Shirkada dhisaysa Waddada, Siyaasiyiiin iyo Masuuliyiin kale.

Waddadan oo si casriya loo dhisaya, ayaa Wasiirka Madaxtooyad Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu halkaas ka hadlay ayaa waxa uu u mahadnaqay ayaa waxa uu hadalkiisi ku bilaabay “Muwaadiniin reer Somaliland ah iyo Shirkad Turkiga ah, oo wada hadalkoodu socday muddo dhawr bilood ah,ayaanu Saaka eegaynaa, waxaana ku faraxsan ahay in Ingijineer Naaleeye iyo Injineer Yuusuf ay caddayeen Aaladan cusub,Qalabkan cusub iyo Farsamadan cusub, ee Tiknoolijiga, waxay tahay in laga maarmo Daamurkii oo la helo kimiko lagu bedeli karo, oo ah in lagu shubayo Kimikadii iyo Biyo wada socda, kadibna ay sidii Daamurkii oo kale noqonayso, qiimahana ay ka jabnaanayso wax ka badan boqolkiiba konton 50% tii hore ee aynu wadnay”.

Wasiirka Madaxtooyada oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaynu nahay dal yar oo curdin ah, oo awoodiisa dhaqaale aanu badnayn, waxa aynu ku qasbanahay in wixii dhaqaalaha inoo tashiilaya inaynu raadino, iyada oo aan marnaba laga tanaasulayn tayada loo baahan yahay, waa fikrad cusub oo aynu tijaabinayno inay suurtagasho in Waddooyinka Somaliland oo dhan sidan oo kale loo bedelo, Injineero ayaanu u dirnay, dhawr bilood ayey wadeen, sida ay sheegeena waxa farsamadan laga bilaabay markii ugu horeeysay Mareykan, sida la sheegayna waa la hubiyey”.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan ahay caqli cusub, farsamo cusub iyo aragti cusub oo suurtageliya in wax inoo kordhiya la helo, waxaan aad ugu faraxsan ahay in Muwaadiniin reer Somaliland ahi ay keenaan farsamadan cusub, aad ayaan ugu mahad celinayaa Iid Cabdisalaan iyo Guruubka la socda, maaha in baayac-mushtari keliya ka shaqaysanyaan laakiin qpfka muwaadinka ah inuu halkan keenayo ganacsi iyo cilmi ee waa inuu fikrada adduunyadu ku horumartay inuu soo dhoofiyo oo uu halkan keeno ayaa wax weyn ah, aad ayaan idinka mahadcelinayaa dadaalkiina   inaga oo wax kala iibsanayna, oo farsamadan kala iibsanayna aad ayaan haddana idinku mahadnaqaya”.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Axmed Cabdulle oo isna halkaas ka hadlay ayaa mahadnaq iyo amaan balaadhan u soo jeediyey Shirkadan keentay farsamadan iyo Daamurkan casriga ah, waxaanu sheegay in Waddooyinka oo qudha looga faa’iidaysan karin ee xitta looga faa’iidaysan karo Baliyadaha, Baraagaha iyo waxyaabo kale.

Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey oo isna halkaas ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Shirkada keentay fikradan iyo farsamadan cusub, waxaanu xusay in wixii dhib iyo dacaayad ah laga daayo Shirkada, waxaanu tilmaamay in la hubo Farsamada cusub ee ay Shirkadani keentay, oo wax kimiko ah oo dhib Bulshada iyo Deegaanka u keenaya aanu jirin.

Shirkada gacanta ku haysa dhismaha Waddadan, ee lagu magacaabo Minbar Group ayaa keenay farsamo casriya oo lagu dhisayo Waddooyinka oo lagaga maarmayo Daamurkii hore, isla markaana farsamo iyo Daamur casriya oo sida Xabagta ah  oo aad u jaban tayo sarena leh ayaa Waddooyinka lagu dhisayo,  Waddadana lagu dhisay.