Wasiir Xirsi Oo Ka Hadlay Dacwadda Ka Dhaxaysa Nadra Ee Maxkamadda Ku Jirta Iyo Cidda Ku Wehelisay Aflagaado Uu Sheegay Inay U Dirtay

0
635

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horaysay ka hadlay kiis dacwadeed oo maxkamadda ku jira oo ka dhexeeya isaga iyo haweenay lagu magacaabo Nadra Maxamed Jaamac, oo farriin aflagaado ah ugu dirtay telefoonkiisa gacanta.

Haweenaydaas oo muddo bil ku dhow  xidhan, waxa shalay mar kale la horgeeyay maxkamadda, laakiin haddana dib ayaa loo celiyay, waxaanay dacwadeedu muddo ka socotay maxkamadda degmada Hargeysa. Waxaanu Wasiir Xirsi markii u horaysay shalay ka hadlay kiiska gabadhaas ka dhexeeya, “ Inan taasu waxay soo dirtay oo naga soo gaadhay fariin fawaaxish ah oo aad u fool xun, oo caydii moobaylka naloogu soo diray aanan imika halkan idiinka sheegi karin ama aanay dhagihiinu maqli karin, laakiinse qofkii u baahan qoraal bay ku taalaa hay’adaha garsoorka  iyo xuquuqul insaanka; ciddii arintaas xogteeda u baahana waanu u dhiibaynaa.”

Wasiir Xirsi, isagoo ka hadlaya cidda ay gabadhu farriinteeda ku aflagaadaysay, wuxuu yidhi “laakiin waa arin aad u fool xun  oo fawaaxish ah waxii halkaas ku qornaa oo aanan anigu halkan af-kayga kula dhiiranayn, oo aniga wax iga sheegaya oo madaxweynaha wax ka sheegaya oo marwada wax ka sheegaya oo masuuliyiinta kale ee qaranka wax ka sheegaya, cayda baastaryahoow waa cay ta ugu xun ee laf jabka ahina waa cay, waa mid lafjab ah oo cirdiga madaxweynaha iyo taydaba tilmaamaysa markaas ma doonayo inaan halkaas dhaafiyo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “ Waxaan leeyahay markaas saxaafada ayaa laga hadlay oo waxa lagu soo qoray warar badan oo odhanaaya waa la dulmiyay iyada oo aan la sugin garsoor iyo ciddii qabtay, waan maqnaa runtii markii la xidhay inanta waxaanse imi iyada oo warbaahinta la galiyay in inantaas dulmi lagu xidhay ma jirin dulmi inanta lagu xidhay ee waxii lagu xidhay waa kaas, aniguna masuul ahaan waan iska ilaaliyay inaan warbaahinta ka hadlo si aan loo odhan wasiirku waxa uu majara habaabiyay xukunkii dhacaayay oo maanta oo aan filaayo in xukunkii lagu dhawaaqaayo ayay ii saamaxday inaan ka hadlo.”

Wuxuu sheegay in jeelasha loo samaystay in dadka lagu edbiyo, “ Jeelasha waxaynu u samaysaynay  qofka Edaabta daran in lagu edbiyo, sharcigana waxaynu u samaysanay qofkiii qaldan inuu qabto, maaha qofka qaldan in garab lagu siiyo oo loo tilmaamo in la dulmaayo, hadaynaan ogalaanin dadka qofkii gafa in la xidho oo sharciga la horgeeyo oo uu cadaalada uu hortago maxaynu cadaalada ku falaynaa, waxa jeelasha loo sameeyay qofku inuu ku edabsado, qofka waxaas sameeyayna fawaaxishka ah ee waliba qof dumara ah oo waliba waxaan arkaayay qaar tilmaamayay inan yar; gabadhu aniga waa ay iga weyntahay oo maaha inan yar oo ciyaala iskuul ah iyo qof aan caqligiisu ku filnayn bal u taga oo da’deeda waydiiya, waxa runtii layaab leh dadka buunbuuniyay.”   Ayuu yidhi wasiirku.